Ku Socota Ragga: Wadnihiina Halis Ayuu Ku Jiraa

La Wadaag Asxaabtaada

Sida ku cad daraasad ay baahisay jaamacadda Hardvord, quraac cunis la,aanta ay caadeysteen rag badan waxa ay sababtaa cudurada wadnaha gaar ahaan cudurka  ischemic disease.

Xaqiiqonews.com-Caafimaadka

Majaladda Circulation  ayaa qortay in culimo caafimaad, ay soo ogaadeen in ragga aan cuni quraac muddo dheer ay halis ugu jiraan cudurada wadnaha gaar ahaan  ischemic disease,

Culimada ayaa gaaray gunaanadkan ka dib baaritaan qaatay 16 sano oo ay ka qeyb galeen 27 kun oo rag ah, kuwaasi oo da,dooda u dhaxeysa 45-82.

Intii lagu guda jiray baaritaanka, 15 kun oo rag ah ayuu ku dhacay  ischemic disease, iyadoo xaaladooda caafimaadka wadnaha ay aheyd mid taam ah, dirsaadda ka hor.

Baarayaasha ayaa gaaray gagabo ah in sababta keentay cudur wadneedkan ay tahay quraac(afbilaabasho) la,aanta, waxaana intaasi dheereyd in intooda badan ay ahaayeen kuwa qiiqa dhuuqa aadna u isticmaala Alkoolada.

ischemic disease. waa cudur ku dhaca wadnaha waxa uuna yareeyaa dhiigga gaari lahaa wadnaha ama gabi ahaanba wuu joojiyaa.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada