Talefishinka Rasmiga ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay, in hogaamiye Kim Jung uu raadinaayo goob cusub oo lagu tijaabiyo Hub horumarsan oo casri ah.
Xaqiiqonews.com-Wararka Dibadda
Tilifishinka ayaa yiri “Hubka waa mid wata farsamo casri ah” , Kim ayaana ku guuleystay in uu tijaabiyo hubkan.
“Howsha horumarinta ayaa socotay in muddo ah” ayaa uu yiri wariyaha warka ka aqrinaayey Tv-ga balse ma sheegin wax faafahin ah oo badan.
Hubka ayaa la horumarinaayey muddo dheer, “Waxaa uu naga caawinayaa in aan dhisano difaac adag, oo kor u qaadaya tayada ciidanka difaaca qaranka ” ayuu baahiyey Tv-ga.
Warkani ayaa ku soo aadaya xilli wasaaradda difaaca Mareykanka ay shaacisay in ay la socoto dhaqdhaqaaq cusub oo Kuuriyada Waqooyi ay ku horumarineyso Gantaalo cusub.