Xog si hoose loo baahiyey ayaa waxaysheegeysaa in dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ay go’aan ka gaari doonto aayaha Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kasoo baxsaday Al-shabaab, balse Muqdisho xabsi guri lagu geliyey.
Dowladda Xasan Sheekh oo uu isku soo dhiibey wadaadkan ayaa xabsi guri gelisay, waxaana ay u diiddey in marnaba uu dalka dibaddiisa aado, hase ahaatee hadda go’aan ayaa laga gaarayaa.
Madaxweynee Farmaajo ayaa doonaya in Xasan Daahir uu u diro Sacuudiga ama Qadar oo codsiyo ay usoo kala direen si wadaadka aanu dib ugu laaban xarakada alshabab.
Xasan Daahir ayaa isaga daneynaya in uu aado dalka Qadar oo magangalyo uu ka helayo, waxaysa dowladda shuruud uga dhigtay yihiin inuu sheego in Al-shabaab qaldan yihiin, sidoo kalena uu isaga shacabka Soomaaliyeed weydiisto cafis si loo kaxeeyo
La ogaaday: waa maxay go,aanka farmaajo ee xasan daahir aweys toogasho mise deysmo#aqri xog
-