La Sii Ogaaay: Seddex Magaalo Oo Soomaali ah Oo aan laga Ciidi Dooni Maalinta……….

La Wadaag Asxaabtaada

Waxaa la filayaa in maalinta Axadda ah ee soo socoto ay noqoto maalinta ciiddul-fidriga ka dib markii muslimiinta ay soo soomeen bishii Ramadaan.

somaaliya ayaana la saadaalinayaa in ay ka mid noqoto wadamada laga ciidi doono maalinta axada ah balse wararka ka imaanaya gobolada dhexe gaar ahaan degmooyinka guriceel, dhuusa mareeb iyo cadaado ayaa sheegaya in laga yabaa in degmooyinkaasi laga ciido maalinta isniinta ah.

kooxda suufida ee loo yaqaan” ahlu sunna” ayaa caan ku ah in dadka khilaafaan maalmaha Soonka iyo ciidda iyagoo inta badan ka danbeeya hal maalin.

Inkastoo ciidani ay timid xilli ay yaraatay awooddii suufida ee gobolada dhexe madaama gobolada dhexe loo sameeyey maamulka Galmudug hadana dadka ugu badan ayaa aaminsan afkaarta dariiqada suufida oo in muddo soo maamulay goboladaasi.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada