Kaarka cas ee loo yaqaan roosada, waxaa la siin doonaa laacibkii ku qunfaca laacib kale ama garsooraha hortiisa.
Xaqiiqonews-Ciyaaraha
Hay’adda caalamiga ah ee kubadda cagta FIFA, ayaa liiska dambiyada ciyaartooyda lagu ciqaabo ku dartay “qunfaca” , arintani ayaana loo aqoonsan doonaa “vowel”
FIfA ayaa intaasi ku dartay “hadii arinta ku dhacdo qaab aan kama ah, garsooraha go’aan adag qaadanaayo” sidoo kale hadii masaafo ay isku jiraan qunfaca wax ciqaab ah ma yeelan doono.
Go’aankan ayaa imaanaya xilli dunida ay la dhibaatooneysa cudurkan Karoona Fayrus.
Tiro koob ay sameysay wakaaladda Reuters ayaa tilmaamaya in cudurkani uu ku dhacay in ka badan 18.3 milyan oo qof, 692,854 qof ayaan ilaa hadda u dhintay xanuun ka dhashay Karoona Fayrus.
Mareykanka ayaa hogaaminaya labada dhinacba tirada dadka u dhintay iyo tirada dadka uu ku dhacay 155,937 oo qof ayaa u dhintay halka dad ka badan Afar Milyan oo qof ay u dhinteen.
Brazil ayaa ku jirta kaalinta labaad xagga dhimashada iyo xagga dadka uu haleelay, gudaha Brazil waxaa fayruska u dhintay 94,665 oo qof, halka dad ka badan labo milyan oo qofna uu ku dhacay cudurka.