Labada Mushkilad Ugu Weyn Ee Haysato Dowladda Farmaajo#Warbixin cusub

La Wadaag Asxaabtaada

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa durba waxay la kulantay mushkilado badan oo dhan walbo leh, xilli ay u baahneyd gacan qabasho.
Mushkiladahan ayaa ugu waaweyn dhanka ammaanka, iyadoo dhammaan ciidamada amniga saraakiihsooda u muuqdaan kuwo jiifa oo aan wax shaqo ah qaban.
Saraakiisha oo ka faa’ideysanaya xilligan xasaasiga ah ee dalka uu ku jiro ayaa naloo sheegayaa iney bilaabeen in ay guryahooda kasoo bixin, ciidankii ay amrayeen ka seexdaan, ciidamadana lagu wada daayo magaalada.
Culeyska kale ee dowladda Farmaajo la kulantay waxay tahay Odoyaal dhaqameed beeleed, oo dalka meeshaan dhigay in illaa hadda ay carqalad ku ahayaan wasiirada la magacaabo.
Odyaashan ayaa dowladda cusub ku handadaya iney mooshin ka keeni doonaan ama loo sameeyo waxa ay doonayaan, waana cabadaha ay la kulmeyso dowladda Farmaajo.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada