Qoraalkani waxaan u hadiyeynayaa dhammaan “mucaashiqiinta lacagta”, waxaan isku dayi doona qoraalka dhaxdiisa in aan jawaab u raadino su’aalaha loogu weydiiska badan yahay marka la joogo dunida lacagta..Sidee u heli karaa lacag?.
XAQIIQO NEWS- HORUMARINTA NAFTA
Xarfi ahaan dadka oo dhan waxa ay jecelyihiin lacagta, nasiib darro dadka oo dhan ma helaan jaceylkooda, aan ku weydiiyee :maxaan u jecelnahay lacagta?
Isla su’aashan waxaa lagu qoray webseetka su’aalaha iyo jawaaba ee “Quora”, waxaana halkan hoose idinku soo gudbinayaa jawaabaha qaar oo kooban.
“Dadka ma jecla gabal warqado ah oo ay ku qoran yihiin tirooyin iyo sawirka madaxweynayaal dhintay, dadku waxa ay jecelyihiin dareenka iyo waxa ay u goyn karto warqaddaas(lacagta)”.
Jawaabtaas waxaa bixiyey qof ay uga qoran tahay Bodurin Ogunnupe, , kaasi oo intaasi raaciyey :
- Lacagta cunto ayey goysaa taasi oo wanaag na dareensiineysa
- lacagta guri ayey goysaa taasi oo wanaag na dareensiineysa
- lacagta dhar ayey goysaa taasi oo wanaag na dareensiineysa
Tyler Yates,oo isna ka jawaabay isla su’aasha kore, waxa uu leeyahay: su’aasha waa ay qaldan tahay, su’aasha dhabta ah waxa ay noqoneysaa “dadku maxay u jecelyihiin, guryaha, baabuurta cuntada iwm?.
Yates, waxa uu sii daba dhigay “lacagta waa “Dallaal” lacagta waxa ay u dhaxeysaa adiga iyo adeeg walbo oo dunida laga heli karo.
Sidoo kale Aqri: Dhaqaalahaada Ayaad Ku Ciyaareysaa Hadii Aad Lacag Keydiso!
Taasi waa lacagta, xitaa hadii dadku isku khilaafsan yihiin maxay muhiim u tahay lacagta? ma jirto laba iskaga hor imaanaya lacagta muhiim ma tahay.
Sidee U Heli Kartaa Lacag?
Sida uu daabacay bishii Diseembar 2020 wargeyska Ingriiska laga leeyahay ee “the Sun”, guud ahaan lacagta kaashka ah (kuma jirto hantida kale)ee dunida taallay waxaa lagu qiyaasay $36.8 trillion oo doolar, haddaba ma ogtahay in uusan jirin hal doolar oo banaan iska yaala, xarfiyan doolar walbo xitaa hadii uu meel yaalo waxaa leh “qof”.
Ma ogatahy hadii aan isku dayno in lacagtaas aan shilin Soomaali u badalno in qadarta lacagta ay noqoneysa wax caqli ka bax ah ku dhawaad qiyaastii 1 kun googolplex oo Shillin Somaali ah
Arinta kale xiisaha leh waxa ay tahay lacagtaasi $36.3 trillion doolarka ah, hadii loo qeybiyo si siman qof walbo oo dunida ku nool waxaa ku soo aadeysa USD $77,309 oo doolar. meeqa doolar ayaad iminka heysataa? meeqa ayaana kaa maqan?!
Maanta ma ku siinaayo tallooyinka maaliyadeed ee meel walbo lagu qoro: sida lacag ka sameey internetka, lacag ka sameey iibka online-ka iwm, maanta waxa aan isku dayi doona in aan ogaano isha lacagta.
Maadaama uusan jirin shilin meel cidlo ah yaallo, in aad lacag hesho waxa ay la mid tahay adiga oo lacagtaasi kala soo baxa jeebaha dadka, laakiin waxaan kuu soo jeedinayaa in aad ula soo baxdo qaab “sharci ah”
Turubka Lacag Sameynta
Hal mid xasuuso mar walbo lacagta waxa ay ku jirtaa gacmo kale, si aad ula soo wareegto waa in aad miiska soo saartaa adeeg, badeeco ama xirfad qofka kale ku qancin karto in uu lacagtiisa ku badasho.
Tusaale Shirkadda “Amazon” waxa ay ka mid tahay shirkdaha ugu lacag sameynta badnaa dunida sanadkii la soo dhaafay, adeeg noocee ah ayey bixisay Amazon?
Si kale hadii aan kugu dhigo “waa maxay mid ka mid ah shayga ugu baahi badnaa ee dadka lacagtooda ay ku bixiyeen 2020?
Labada su’aal jawaabahooda waa mid qura “adeeg iibka online-ka ah”, madaama sanadkaas dadka ay ku jireen “bandaw”, iibka ugu badan waxa uu u dhacay qaab online ah, taasi oo shirkdaha adeeggan bixiya ka caawisay in ay gurtaan faa’idooyin badan.
Kalmadda “Lacag”
Wariye Cali Xaraare oo ka mid ah wariyaasha Soomaalida kuwooda ugu waaweyn waxa uu leeyahay Soomaalidii hore waxa ay fahmi waayeen macnaha ku fdhiso “warqadda”( lacagta)
Marka qofka joogo baadiyaha uu u damco in uu kabo u soo iibiyo canugiiisa oo aan goobta joogin, waxa uu ku soo hal qabsan jiray cunug goobta joogo, kolkaasi oo ay oran jireen “hebel waxa uu la cag yahay wiilkan”, waana sababta qiimaha warqadda loogu adeegsaday warqaddan waxa ay lacag tahay shay hebel.
Markii aan qoraalkan dhammeeyey intii aan doonaayey in aan ciwaan u sameeyo waxaa ii soo baxay macno la yaab leh oo uu sameeynaayo erayga “lacag” marka gadaal gadaal loo aqriyo, haa waxaa uu noqonayaa “gacal”.