Lacagta Intan La Eg Ayuu M. Salaax Ugu Deeqay Tuuladii Uu Ku Dhashay

Laacibka reer Masar, ahna xiddiga kooxda ingiriiska ka dhisan ee Liveropool, Maxamed Salaax ayaa ku deeqay lacag dhan 38 kun oo doolar , si loogu sameeyo gawaari gurmadka deg deg ah tuuladii ay xuduntiisa ku duugneed.


Xaqiiqonews-Wararka dibadda/ciyaaraha

Wargeyska Daily mail ayaa daabacay warbixin ciwaan looga dhigay “faalo gaaban oo ku saabsan mashaariicda samafalka ee ugu dambeeyey M. Salaax”.

Deeqdani ayaa loogu tala galay in dadka tuulada ay ka caawiso la dagaalanka dhibaatada Karoonaha,xanuunkaasi oo si weyn u saameeyey tuulada Najriix ee dhacda gobolka Algharbiya ee waqooyiga masar.

Wargeyska ayaa sheegay in lacagta Salaax uu ku deeqay, lagu iibiyey tiro gawaarida gurmadka ah, taasi oo saacidi doonto dadka tuulada ee la dhiban Karoona Fayrus.

Wargeyska ayaa tilmaamay dhowr mar oo horay uu ugu deeqay Maxmed Salaax, waxaana ka mid ah dhismaha Warshad biyaha sifeysa, dhisida iskuulka tuulada.

Inta aysan bilan bishii Ramadaan, Salaax ayaa dadka tuuladiisa ugu deeqay, dhowr tan oo isagu jira hilib iyo cuntooyin,si dadka loogu fududeeyo qarashaadka bisha Ramadaan.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA