LAGU DHAWAAQAY:LIISKA Golaha Wasiirada ee oo lagu dhawaaqay, Yuusuf Garaad, Juxa & ENG Yariisow oo ku jira

La Wadaag Asxaabtaada

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa hada ku dhawaaqay golhiisa Wasiirada kadib munaasabd kooban oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Wasiirada uu ku dhawaaqay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa isugu jira-Wasiiro , Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiro Dowlayaal, waxaana Wasiirada qaar kamid ah Siyaasiyiin caan ah oo horey xilal kala duwan dalka uga soo qabtay.
Golaha Wasiirada uu goordhaw ku dhawaaqay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa ku jira aqoon yahano qaarkood siyaasada ay ku cusub yihiin, waxaana Liiska Wasiirada laga waayay xubno horey loo saadaalinayay in ay kamid noqon doonaan Xukuumada cusub.
Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka arimaha dibada & Maalgashiga
C.raxmaan Ducaale Beyle wasiirka maaliyada
Khadiijo Maxamed Diiriye wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha
Cabdi Faarax Juxa wasiirka arimaha gudaha
Eng C/raxmaan Yariisow wasiirka warfaafinta

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada