Dadka ugu badan ee isticmaala Internetka waqti badan ma siiyaan ka fikir-ka “lamabar sireedka” ku habboon ilaalinta macluumaadkooda, waana taas sababta ay halis ugu jiraan in si sahlan loo jabsado.
XAQIIQO NEWS- TIKNOOLAJI
Badanaa khubarada ammaanka Saybar-ka,waxa ay ku taliyaan in la isticmaalo lambar-sireed dheer oo adag, iyo in laga fogaado lambar sireedyada caanka ah, kuwaasi oo burcadda u sahlaya jabsiga.
Khubarada waxa ay leeyihin dadka intooda badan, si ay uga sahlnaato xasuusta lambar-sireedyadooda waxa ay badanaa ka dhigtaan lambaro gaaban, magacyada dalalka, waana sababta fududeyneysa in la jabsado.
Sidoo Kale Aqri: Sidee-taleefoonkaada-uga-ilaalin-kartaa-in-la-jabsado?
Arrintan awgeed, bogga caanka ah ee “Nord Pass” ayaa daabacay liis ay ku qoran yihiin lambar-sireedyada e ugu isticmaalka badan sannadkan gudihiisa, wuxuuna ku taliyay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo beddelo si looga fogaado in la jabsado.
Liiska ay soo bandhigeen ayaa ka koobna 200 oo lambar sireed, waxa aan halkani idinku soo gudbineynaa 20-ka ugu caansan.
123456
123456789
picture1
password
12345678
111111
123123
12345
1234567890
senha
1234567
qwerty
abc123
Million2
000000
1234
iloveyou
aaron431
password1
qqww1122
123
omgpop
123321
654321
qwertyuiop
Webseet-ka ayaa sheegay in lambar sireedka ugu horeeya ee “123456” uu yahy kan loogu isticmaalka badan yahay, waxaana adeegsada in ka badan 2 milyan iyo bar qof, lambar sireedka noocan ah ayaana la jabsaday in ka badan 23 milyan oo jeer.