Louise Wong Oo ka Yaabisay Dadka “Trump wuxuu Dhashay “Sanadka Eyga”#Sababta Aqirso

-

Haweeney wax faalisa oo Shiineys ah ayaa sheegtay in sannadkan cusub uu bilaabmay jimca, waxa ayna ku beegneyd maalinta koowaad ee sanad bileedka shiinaha.

Sida laga soo xigtay majaladda Newsweek ,Warbixintan oo ay tarjumeen “Arab 21″, waxay muujineysaa in haweeneyda xiddigaha fiirisa ee taariikhiga ah ee lagu magacaabo Louise Wong ay saadaalisay in 2018 aysan noqonayn sanad u wanaagsan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, madaxweynuhu kuma filna inuu dhashay 1946-kii,oo ku aadan “sanadka Eyga” ee taariikda shiinaha xisaabsadaan, sidoo kale waa sanadkii ay dhasheen madaxweynayaasha George W. Bush iyo Bill Clinton.

Warbixinta NewsWeek oo Xaqiiqonews ay u tarjuntay af-soomaali ayaa intaasi ky dareysa in Louise Wong oo sii hadashay ay tiri “Sanadka soo socda, Donald Trump ayaa sii wadi doona in uu bartamaha ka fadhiisto doodo culus gudaha Aqalka Cad.”

Wong ayaa intaasi raacisay “Shaqaalahiisa Aqalka Cad ayaa iska casili doono shaqadooda, mana jiri doono isfaham la’aan xafiiskiisa, laakiin waxaan qabaa inuu sii haayn doono xilka labada sano, ama seddexda sano  ee soo socota.”

Sida ku qorneyd warbixinta, Wong ayaa sheegtay in Trump uu muujiyo dabeecadaha “Eyga dabka” mana ahan madaxweyne ku habboon la dhaqanka dadka kale, iyada oo xustay in Trump uu wajihi doono sannad adag iyo culays weyn oo xagga siyaasadda ah 2018-ka, waxeyna intaasi ku dartay “Waxay u badan tahay inuu ku sii jiri doono madaxtooyada, laakiin haddii uu qaato go,aano adag, waxa uu wajihi doonaa dhibaatooyin.”

Shiinaha ayaa sanad walbo oo ku cusub taariikhdooda waxa ay ugu magac daraan “Xaywaan” hadaba  sanadihii ku soo aaday “Eyga”  waxaa ka mid ah ” 1934-kii, 1946-kii oo ah waqtigii uu dhashay Trump, 1970-kii,1994-kii iyo waliba sanadka aynu hadda ku jirno ee  2018-kii.

Qofka dhasha “Sanadka Eyga” waxaa shiinaha agtooda uu ka yahay qof nasiib daran, sidaa darteed faaliyaasha shiinaha ayaa Trump u rajeynaya “sanadkan eyga eynu ku jirno” fowdo iyo isku dhax yaac in uu dhaxda ka fadhiisan doono.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...