M.Farmaajo oo dad misiixiyiin ah ku tilmaamay shuhado”waxan u tacsiiyeyneynaa qoysaskii shuhadadii ku dhimatay kaniisadaha Danda iyo Al-iskandariyah”

-

Madaxweynaha soomaaliya mudane maxamed cabdulaahi farmaajo ayaa taci u diray dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay kaniisadaha ku yaalay Magaalooyinka Danda iyo Al-iskandariyah ee Ku yaalla masar.
Dad badan ayaa ku dhaliilay madaxweynaha fudeedkiisa iyo in uu iska indha tiray qaraxyada muqdisho isagoo isku mashquuliyey tacsi iyo hadallo laga maarmay.
balse arinta ugu cajiibka badan ayaa aheyd qaabka tacsida uu u diray madaxweynaha isagoo yiri”waxaana tacsi daacadnimo ku jirto hawada u marineynaa qoysaskii ay ka tageen dadkii ku shahiiday !!! kaniisdaha Danda Iyo AL-iskandariyah ee dalka masar waxaana u rajeyneynaa caafimaad dadkii ay dhaawacyada soo gaareen, Argigixsadu diin malahan”


Waxaa shaki weyn dad badan ay ka keeneen cidda qortay hadalada noocan ah oo uu u eg kuwwa diin gaar ah loogu hiilinaayo waxaase suuragal ah in kooxda wax ku qorta barta tuwitter-ka ee madaxweynaha in ay ka faa,ideyteen qibrad xumida ka heysata madaxweyne farmaajo xagga luuqadda carabigga iyagoo oga faa,ideystay danahooda gaarka ah ama doonaya in ay ku fadeexeeyaan farmaajo oo qaladaadkiisa tiro beeleen.
waa su,aal dad badan is weydiiyeen qofka qoray ereydan noocan ah ma masiixi baa mise waa muslim?

Hadalka farmaajo ayaa ku soo aadaya xili dalka gaar ahaan caasimadda muqdisho ay hoy u noqotay qarraxyo iyo dilal qorsheysan iydoo ila hadda aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay madaxweynaha oo ku aadan xaaladda cagiran ee xamar.

Wararka U Dambeeyey

Muuqaal..Maxay Rakaabkan Diyaaradda U Riixayaan?

Muuqaal ka mid ah kuwa ugu cajiibsan, dalka Nepal waxaa baraha bulshada lagu baahiyey diyaarad ay rakaabka dabada ka...

Hadii Aad Aragto Riyooyinkan..Dhaqso Dhaqtar U Tag

Khubarro ka tirsan xarunta "Sleep cycle center" ee fadhigeedu yahay gobolka Teksas ee Mareykanka ayaa sheegay in riyada ay...

Dilka Shacabka Oo Lagu Tartamaayo!

Rasaasta ciidanka Df-ka ayaa dishay 3 qof oo shacab ah gudaha magaalada Muqdisho, halka gantaal hoobiye ah oo ...

Imisa Qof Oo Soomaali Ah Ayaa Hub Heysta?

Hubka saxda ee gacanta uga jira muwaadiniinta Soomaaliya waa mid aan la aqoon, hase ahaate warbixin lagu qoray webseetka...

Internetka Aduunka Oo Halis Ugu Jira In Uu Joogsado Sababtan Darteed

Saynisyahanada ayaa ka digaya cillad guud oo ku timaado internetka aduunka iyaga oo sababtuna ku qeexaya nidaamka cadceedda oo...

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...