Ma Daawateen Muuqaalkan Ku Saabsan Dagaalka Balad xaawo?

-

Ciidan taabcsan maamulka Jubbaland ayaa gudaha u galay magaalada Balad Xaawo, arintaasi oo keentay in magaalada uu ka dhacay dagaal saacado badan qaatay.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Madaxweyne ku xigeenka maamulka ku meel gaarka ah ee Jubbland Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in ciidanka Jubbaland ay iska caabiyeen weerar lagu qaaday.

Dhankooda saraakiil u hadlay ciidanka Df-ka ee ku sugan Gedo ayaa sheegay in iska difaaceen weerar ay soo qaadeen maleeshiyaad Kenya ay soo tababartay.

Ilo madax banaan oo ku sugan Balad Xaawo ayaa u sheegay warbaahinta in dagaalka uu yimid ka dib markii ciidanka Janan ay soo qaadeen weerar iyaga oo gudaha u galay magaalada Balad Xaawo, gaar ahaan dabaqa Hormuud iyo Salaam Bank halkaasi oo saacado badan ay ka dhax dagaalamaayeen.

Muuqaal ay baahiyeen ciidanka Df-ka ee ku sugan Gedo ayaa ku soo bandhigeen maxaabiis iyo askar la soo qabtay oo qeyb ka aheyd weerarkii xalay.

Xogti ogu dambeysay ee maxaabiista

Posted by Ali Juba on Monday, January 25, 2021

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...