Ma Dhab baa In Dhawaan Qoraxdda Galbeed Ka Soo Bixi Doonto?

-

Saynisyahanada ayaa aaminsan in meeraha dhulka uu wajahayo isbadal ku yimaada bedka birlabta meeraha( planet’s magnetic field ) taasi oo keeni karta in la waayo noolayaasha uu bani’aadamka ka mid yahay.

Xaqiiqonews-Xiddigiska

AShraf Tadros oo ka tirsan Machadka Qowmiga Masar ee qaabilsan Xiddigiska ayaa sheegay in qoraxda si iskeed ah aysan uga soo baxeyn galbeed ama bari baslse isbadbadalkan ayaa ka dhasha wareegga dhulka oo ka soo bilowda bari kuna dhamaada galbeed.

AShraf ayaa tilmaamay in qoraxda oo galbeed ka soo baxda ay dhici karta oo kaliya marka dhulka uu joojiyo wareegista, ka dibna uu isbadalo qaabka wareegga dhulka, taasi oo ah arin aan sahlaneyn.

Waxa uu yiri “hadii ay taasi dhacdo(wareegga istaaga ama isbadalo) waxa ay ka dhigantahay bubur weyn oo ku dhaca meeraha dhulka iyo dhamaan noolayaasha dul saaran.

Si kastaba ha ahaate Saynis ahaan waa la aqbalay arinka ah in birlabka dhulka uu sii daciifayo, taasi oo calaamad muuqata u ah dhamaansha noolasha dhulka.

Shaki malahan in qoraxda oo galbeed ka soo baxdaa ay ka mid tahay calaamaha waaweyn Qiyaamaha, Nabiga Islaamka Muxamed SCW ayaana horay uga sii waramay.


قال الرسول صلّى الله عليه وسلّم: (لا تقومُ السَّاعةُ حتَّى تطلُعَ الشَّمسُ من مغربِها ، فإذا طلعت فرآها النَّاسُ آمنوا أجمعون، فذلك حين: لَا يَنْفَعُ نَفْسًا إِيمَانُهَا لَمْ تَكُنْ آَمَنَتْ مِنْ قَبْلُ أَوْ كَسَبَتْ فِي إِيمَانِهَا خَيْرًا)

Rasuulka SCW waxaa uu xadiithkani ku yiri “Qiyaamaha ma dhaceysa ilaa qoraxda ay galbeed ka soo baxdo, marka ay taasi dhacdana dadka oo dhan way rumeynayaan(qiyaamaha) hase yeeshee waa xilli rumeynta waqtigaasi aysan keeneyn waxa faa’ido ah.

Wararka U Dambeeyey

Imisa Qof Oo Soomaali Ah Ayaa Hub Heysta?

Hubka saxda ee gacanta uga jira muwaadiniinta Soomaaliya waa mid aan la aqoon, hase ahaate warbixin lagu qoray webseetka...

Internetka Aduunka Oo Halis Ugu Jira In Uu Joogsado Sababtan Darteed

Saynisyahanada ayaa ka digaya cillad guud oo ku timaado internetka aduunka iyaga oo sababtuna ku qeexaya nidaamka cadceedda oo...

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...