Ma Dhab baa In Dumarka Ka Cimri Dheer yihiin Ragga?

La Wadaag Asxaabtaada

Aqoonyahanno wax ka bara jaamacadda San francisco ee Mareykanka ayaa sheegay in ay ogaadeen sababta dumarka uga cimir dheer yihiin ragga.

Xaqiiqonews.com-Caafimaad

Culimadan ayaa ku dooday in dumarka ay ka cimri dheer yihiin ragga, iyagoo sababta ku sheegay in uu jiro hidda side u gaar ah dumarka oo qeyb ka qaata noolasha dheer.

Baarayaasha ayaa sheegay in Koromosoomka “Y” oo ah kan ragga uusan laheyn muhiimad weyn oo ka caawineysa nolol dheer, halka koromosoomka “X” ee Dumarka lagu tiriyo mid muhiim u ah noolayaasha oo dhan lab iyo dhidigba.

Culimada ayaa gaaray gabagabadan, ka dib markii ay sheegeen in ay baaritaan ku sameeyeen Koromosoomyo aan sax aheyn,   iyaga oo tijaabiyey koromosoomyo rag oo loo isticmaalay “XX” iyo kuwa dhidig ah oo loo isticmaalay “XY”  iyagoo ogaaday in koromsoomyada “XX” ay ka cimri dheeraadeen “XY” taasi oo ay ku ogaadaan in sababta noolasha dheer uu qeyb ka yahay koromosoomka “X” oo laga helo dumarka, ee aysan aheyn in nolol dheeridu ay tahay mid ku xiran jinsi.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada