Ma Guulleysan Karaa Qorshaha “Plan C” Ee Farmaajo Haddii Muddo Kordhinta Laga Diido?

-


XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS

WARKA: Iyada oo wax lagu dhisaayo maraxalidihii kala duwanaa ee uu soo maray khilaafka doorashada ee salka ku haaya “muddo kordhinta”, kooxda Farmaajo waxaa u harsan khayaarkii ugu dambeeyey oo hadii uu fashilmo waxa meesha ka bixi doona isku dayka Farmaajo ee “xukun dheereysiga”

DHAMMAADKIISA: Isku daygii kowaad ee Farmaajo ku doonaayey xukun dheereysiga waxa uu ahaa il-ma aragto waana sababta dad badan aysan u fahmin u jeedada odaygan uu ka lahaa ololahii caanka ahaa ee “Qof iyo cod” xitaa ra’iisal wasaarihiisa waqtigaasi Kheyrre ma uusan fahamsaneyn damaca qarsoon ee Farmaajo.

isku daygii labaad ee Kooxda Farmaajo waxa uu ahaa mid ka muuqda sidii hore waxaana barlamaanka la horgeeyey “muddo kordhin ku meel gaar ah”taasi oo horudhac u aheyd muddo kordhinta weyn, hase ahaatee ololahii badbaadi qaran ayaa badalay qaabkii ay biyaha u socdeen.

Qorshaha Seddexaad Ahna Kii Ugu Dambeeyey

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Farmaajo ay wax walbo kala muhiimsantahay qaabkii uu meel marin lahaa go’aankiisa “muddo kororsiga”.

Isku daygii u dambeeyey ee kooxda Farmaajo waxa uu ahaa “boobka doorashada” laakiin Midowga musharixiinta oo ah madal ay ku mideysanyihiin qaar ka mid ah musharixiinta u taagan doorashada madaxweynenimo ayaa aad uga soo horjeestay qaabka ay ku socoto doorashada baarlamaanka aqalka hoose, arintaasi oo Farmaajo iyo kooxdiisa hordhigeysa in ay ka fikiraan “plan c” macnaha qorshaha seddexaad.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo ah hogaamiyaha xisbiga wadajir ayaa ka digay qorshaha seddexaad ee Farmaajo in uu noqon doono “dagaal” isaga oo dalbaday in saraakiisha ciidanka DF-ka aysan ka amar qaadan waxa uu ugu yeeray “dad aan sharciyad heysan.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...