Ma Isticmaashaa Whatsapp..Arintan Iska Fiiri

La Wadaag Asxaabtaada

Wargeys caalami ah ayaa daaha ka qaaday arin cusub oo ku saabsan “whatsapp”, arintan oo suuragal ka dhigeysa in lambarkaada laga heli karo “baaritaanada google-ka “google search engine”.


Xaqiiqonews-Tiknoolaji

Webseetka Times New Now ayaa tilmaamay in dad ku takhasusay borograaminta ay soo heleen in barnaamijkani laga heli karo badhanka “click to chat”, ee uu leeyahay Whatsappka.

Barnaamjika click to chat ayaa isticmaalayaasha u suuragaliya in ay la sheegeystaan dad kale iyaga oo ka heysan wax lambar ah oo u keydsan.

Khubarada ayaa ka digay badhankaas, oo sida ay ku doodayaan lambarka qofka gelinaya halis amni, madaama si fudud lambarka iyo dokumentiyda qofka looga heli karo baartinaada google-ka.

Sidoo Kale Aqri..Facebook ayaa Isticmaalaya Tiknoolajiyadda Israa’ill..ogow Sidee Lagu Jaasuusaa

Shirkadda Whatsapp waxa ay leedahay “arinku ma ahan mid sidaa u buuran, maxa yeelay qofka macluumaadkiisa waxaa laga heli karaa oo kaliya marka uu ka dhigto “mid caam ah” puplic”.

Khubarada ayaa ku doodaya in badhankani uu suuragaliyey in ay internerka ka helaan ciwaanada iyo lamabarada ilaa 300 kun oo qof oo isticmaala Whatsapp, xitaa macluumaad la xariir Bankiga, waxa ayna dadka uga digayaan in bayaanoodkooda ay ka dhigaan shaac(puplic)

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada