Iyadoo ay u dabaal dagayaan 15-guuradii ka soo wareegtay markii ay cirka u gameen Telescope-ka “Spitzer Space” ayaa wakaaladda Mareykanka u qaabilsan xiddigiska NASA waxa ay sameysay ablikeeshin cusub oo igu sawir ah.
Xaqiiqonew.com-Technology,Xiddigiska
NASA waxa ay markani u soo dhawaaneysaa dhalinyarada, waxaana dadka jecel hawada, ay u sameysay ablikeeshin cusub oo “Selfies”, horay NASA waxa ay internet-ka ku maansheysay sawirro badan oo laga soo qaaday hawada, sidoo kale waxa ay horay u soo galisay ablikeeshin caawinaya dadka diraaseeya hawada, maantana waxa ay soo kordhisay barnaamijkan cusub ee “NASA Selfies”.
Ablikeeshinka Cusub ee NASA Selfies ayaa ku siinaya ilaa 33 gal “Frame” oo ah sawirro dhab ah oo hawada laga soo qaaday , in aad isticmaasho barnaamijkani waa mid aad u fudud, hadii taleefonkaada uu ku shaqeeyo softweerada IOS iyo Android.
Kaliya in aad isticmaasho ablikeeshinkaasi ayaa waxa aad ilbiriqsiyo gudahood iska badali doontaa Internet-bixiyeen adiga oo isku badali Cir-bixiyeen.