Ma Ku fikirtay In Canugaad Aad Taleefoon U gato? Ka Joog Hal Sabab Darteed !

-

Majalad ka soo baxda Spain laguna magacaabo Pecia Padres ayaa daabacday warbixin ay ku soo bandhigtay sababaha ugu muhiimsan ee waalidiintu  uga fogaanayaan In caruurtooda ay u iibiyaan taleefoonada casriga ah  ee Smart phones-ka loo yaqaan.

Warbxintan oo ay tarjuntay Shabakadda  Arabi 21 isla markaana xaqiiqonews ay u soo tarjuntay af-soomaali ayaa waalidiinta ugu baqeeysa in ay taxadar muujiyaan marka timaado u iibinta caruurta ee aaladaha Casriga ah.

Telefoonada Smartphones waxay noqon karaan qalab waxtar leh, laakiin  isticmaalka xad-dhaafka  ah ayaa saameyn ku yeelan kara xiriirka niyadeed ee u dhaxeeya carruurta iyo waalidkood, jariidadda ayaa sidaas sheegtay.

Inta lagu jiro marxaladaha hore ee koritaanka, ilmuhu wuxuu ubaahan yahay inuu abuuro dareen shucuur leh oo uu la wadaago waalidkiisa, qaraabadiisa iyo asxaabtiisa. hase ahaatee  telefoonada smart-ka leh  jawaabo deg deg ah ayey ka bixinayaan su’aalaha carruurta ee kala duwan, waxay dareemayaan caruurta raaxo marka  ay  isticmaalayaan.

Dhanka kale ku tiirsanaanta joogtada ah ee qalabkan,ayaa laga yaabaa inay caruurta ka dhigto in ay sameeyaan go’aanno xun mustaqbalka.

Jariidadda ayaa tilmaameysa in isticmaalka xad-dhaafka ee cunuga uu saameyn xun ku yeelan karo xiriirkiisa uu la leeyahay  waalidkiis. Sidaa daraadeed, waxaa lagama maarmaan ah in la sameeyo xeerar cad oo xadidaya wakhtiga iyo sida loo isticmaalayo qalabkan, si carruurta loo siiyo fursad ay u helaan wakhti ka madax banaan shaashadaha, iyo in ay la qaataan waqti raaxo ah xubnaha qoyska.

Jariidaddu waxay sheegtay in caruurta ay ka helaan taleefoonadan casriga ah baahiyahooda oo dhan, gaar ahaan iyada oo loo maraayo ciyaaraha elektarooniga ah, tani waxa ay gacan ka geysan kartaa in ay si xad-dhaaf ah ula qabatimaan., taasi oo saameyn ku yeelaneysa hal-abuurnimadii canuga iyo xiriirkiisa uu la lahaa qoyska.

Gabagabadii  Warxbinta ayaa Sheegtay in Isticmaalka Caruurta ee aaladahan casriga ah, Wax ka badan 2 saacadood maalintii ay saameyn xun ku yeelan karto Xariiri canuga ee bulshada dhexdeeda.

Wararka U Dambeeyey

Guusha X S N M X M D

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasha ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada...

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...