Ma La Hubaa In Abubakar Baghdaadi La Dilay?

La Wadaag Asxaabtaada

Warar laga so xigtay saxaafadda Mareykanka ayaa shaaciyey si aan dhameystirneen In la dilay Hogaamiyhii dunida mashquuliyey Abuubakar Al baghdaadi.


Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Shabakadda CNN oo shaki muujineysa ayaa qortay “Albaghdaadi oo la rumeysan yahay in duqeyn lagu dilay”,

Mareykanka ayaa sheegay in lagu dilay Abubkar Al-baghdaadi duqeyn ka dhacday gobolka Waqooyiga Suuriya dhaca ee Idlib.

Sida Xaqiiqonews ay ka soo tarjuntay CNN, gobolka Idlib ma ahan goob ay caadi tahay in uu gabaad ka dhigto Al baghdaadi, sababtoo ah waxaa gobolkaasi maamula jihaadiyiinta xiriirka la leh Alqaacidda kuwaasi oo la rumeysanyahay in uu dagaal kala dhaxeeyo kooxda Dowladda islaamiga(Daacish).

CNN waxaa uu qoray dhanka kale in ay sax noqon karto in Albaghdaadi halkaasi ku dhuumaaleysanaayey madaama kooxaha jidaadiyiinta ay inta badan qiimeeyaan saaxibtinmada shakhsiyadeed si ka badan siyaasadooda caadiga ah, waana waxa dhici kara in albaghdaadi saaxabadiisii hore ay halkaasi gabaad ku siiyeen.

Dhankooda Kooxda Dowladda Islaamiga ah ayaa xaqiijiyey in la dilay hogaamiyahooda Iyagoo sidoo kale sheegtay in la dilay afhayeenkii kooxda Abu Xasan Almuhaajir maalin un ka dib dilkii albaghdaadi.

Kooxda ayaa soo saartay fariin cod oo ay ku sheegeen in hogaamiyaha cusub ee kooxda loo magacaabay Abu Ibrahim alHashemi alQurashi, si taasi la mid ahna wax ay magacaabeen afyaheen cusub.

haddaba Waa Kuma Abubakar Baghdaadi ninkii dunida mashquuliyiyey?

Sidoo Kale Aqri: Xog Xasaasi ah..Waa Kuma Abubakar Albaghdaadi?

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada