Xima, Hima ama Xiimaay waa farac ka tirsan dadyowga loo yaqaan “Nilotic Group” kuwaasi oo dagan Suudaan, Itoobiya, Soomaaliya, Yugaandha,Kenya, Rwanda, Kongo iyo Burundi.
Xaqiiqonews
Dadyowga Xiimaay waxa ay asal ahaan ku abtirsadaan qabiilka Tutsi ,asalkooda dambana waxa ay galayaan dadyowga la isku yiraahdo Kushitik.
Qoraaga sare ee wax ka qora faracyada dadka Dr. Orville Boyd Jenkins, ayaa qoray warbixin uu ciwaan uga dhigay “The Hima People Of Eastern Africa”
Warbixinta Orville Jenkins waxaa ku jirta qoraal uu ka soo xiganayo wariye soomaali ah oo dhahaya “waxaan ahay Soomaali aqoon yar u leh dadka Xiimaay ee dagan bartamaha Afrika,waxaa jira qabiil soomaali ah oo lagu magacaabo gaaljecel kaasi oo dadka ugu yeeraan xiimaay,qabiilkani waa mid aad uga dhagan dhaqanka baadiyaha”
Madaxweynaha Ugandha Yoweri Museveni oo ah xubin ka tirsan dadyowga Xiimaay ee Dagan Ugandha, waxaa dhowr jeer lagu eedeeyey in uu qeyb ka ahaa duulaanka baalaran ee Dadyowga Xiimaay-Tutsi ay doonayaan in ay ku qabsadaan Mandiqadda.
Si kastaba ha ahaatee hal xaqiiq oo arintan soo afjareysa ayaa waxa ay tahay “markii dad isku farac ah ay kala geeyaan daadad, dagaalo, ama xaduud la dhaxdhigay, xaqiiqdii dadkaasi waxa ay noqon doonaan kuwa kala duwan, taasina waa sababta faracyo cusub ay u sameysmaan marwalbo”
