“Magaca iyo Musiibo mar ayey baxaan” ayey soomaalida ku maahmaahdaa, magacyo qaarkood oo qofka loogu yeeero si amaan ah ama koolkoolis ah, ayaa noqdo kuwo dhul mar oo meesha ka saara magacii dhabta ah ee qofka loogu waqlalay.
Xaqiiqonews.com-Wararka
Hadii Faarax uusan aadi Laheyn Sacuudiga waxaa laga yaabaa in uu sii ahaan lahaa “Faarax”, balse tagistiisii sacuudiga iyo habdhaqankiisa wanaagsanaa ayaa siiyey magac cusub oo markii dambe isku badalay caan.
Faaraxa aan ka hadlaayo Waa faarax Sheikh Nuur, balse dad badan oo naga mid ah ayaa ugu yeera “Sheikh Xasan Sheikh Nur” oo ku magac dheer Sheikh Xasan Barsane.
Faarax, Oo cilmigiisa darteed dadka qaar ugu yeeri Jireen Sheikh Farax ayaa waxa uu aaday Sacuudiga si uu wax badan u sii siyaadsado, waxa uu ahaa nin wanaagsan oo dhaqan fiican taasi ayaana keentay in shiikhiisa uu u baxsado magac ka tarjumaya habdhaqankiisa waxa uuna u bixiyey “Xasan”.
Ku soo laabashadiisii dalka waxaa uu la soo laabtay magac cusub iyo cilmi, waxaana dhaqan gal noqday magaca caanka ah ee Sheikh Xasan Barsane.