Ma Rumeysan Kartaan Waxaad Cabtaan.. Dooli Ayaa Ku Jira Cabitaanka Coco-Cola !

-

Kadib markii lo kordhiyey cadaadiska lagu haaya Coca-Cola si ay u shaaciso waxyaabaha qarsoodiga ah  ee uu ku sameysanyahay cabitaanka Coco-Cola ayaa waxaa markii ugu horeysay la baahiyey in mukawanaatka cabitaanka uu ka mid yahay cayayaanka lagu magacaabo Cochineal.

Warbaahinta Ruushka ayaa sheegtay in baaritaankan uu bilowday sanadkii 2006-dii markii dowladda Turkiga ay bilowday tallaabooyin ka dhan ah Coco-cola kuwaasi oo salka ku haaya waxyaabaha uu ka sameysanyahay cabitaanka, iyagoo sheegay in cabitaanka ay ku jiraan Sokor, fosforik Acid, Coffeine, Carmel, Carbon Dioxide iyo Waxyaabo aan la aqoon !.

Nin lagu magacaabo brainum oo ka mid ahaa shaqaalaha Shirkadda Coco-cola  muddo 23 sano ah ayaa sheegay in maadada ugu weyn ee Coco-colada laga sameeyo xididka geed loo yaqaan licorice(geed ka baxa Hindiya iyo Qeyb ka mid ah Europe) waxaana geedkani aad u cuna cayayaano uu ka mid yahay Dooliga, hadaba marka la soo goynaya geedkan ayaa shirkadaha sameeya Coco-colada waxa ay isticmaalaan baabuur waaweyn gaar ahaan Cagafyada(mana awoodaan in ay kala saaraan geedka iyo dooliga) waxa ayna isku soo qabanayaan geedka iyo wixii goobta ka dhaw !.

Intaa ka dib Shaqaalaha shirkadda ayaa u howlgalla sidii waxyaabaha muuqdo looga saari lahaa maadada, sidaa darteed waxa ay gacmaha ku saaraan timaha dooliga iyo lugahiisa.

Geedka Coco-colada laga sameeeyo

Inkastoo midibka cabitaanka Coco-cola uu yahay midib madow,maadaamka geedka yahay madow, ma arkeysid dhiigga gaduudan ee dooliga ama cayaayaanada kale ee ku jira cabitaanka, waxaa uuna leeyahay brainum  “shirkadda waxa ay isticmaasha kimiko(iyadana dhibkeeda leh) si  loo baa,biyo dhiigga dooliga.

Sida Laga soo Xigtay Brainum oo ahaa shaqaalaha shirkadda muddo 23 sano ah ,wiligiis ma cabin xitaa hal koob oo cabitaanka Coco-cola ah.

Saynisyahano ka socdo Washignton ayaa baaray qeyb ka mid ah waxyaabaha ku jira Coco-colada gaar ahaan maadada loo yaqaan Carmel waxa ay sheegeen in maadani aysan aheyn Sokor Caadi ah , waxeyna yiraahdeen waa sokor gacan ku rimis ah oo ka kooban Sokor,Ammonia iyo sulfate oo lagu helay ka dib markii la marsiiyey heer-kul sare, waxayna ka digeen maadadani qatarta ah oo inta badan sababta Kansarka Sambabada, iyo Waliba kan Kansarada Caloosha iyo Dhigga.

Waxaa kale oo la sheegaa in maadada Cochineal oo ah midib sameeyaha Coco-cola in ay tahay cayayaan ku nool jaziiradda Canary ee dalka Mexico,waxeyna dheecaanka ka dhuuqdaa dhirta iyadoo leh af dheer, mana ahan xaywaan dhaqaaq sameeya, waana xaywaanka leh midib bunni ah oo ah midibka Coco-colada wato.

Cayayaanka Cochineal oo ah midib sameeyaha Coco-cola

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...