Ma Run Baa in Jen. Ceydiid Janada Lagu Dhax Arkay!

-

Inkastoo ceydiid uu ahaa dagaalyahan wax badan gor u qaaday magaca beeshiisa balse waxaa ugu danbeyn noolashiisa soo gabagabeeyey dad ay qaraabo ahaayeen oo isku hal jufo ay ka soo wada jeedeen.


Xaqiiqonews-

1 Agoosta 1996 ayuu geeriyooday Jen. Maxamed Faarax ceydiid waxa uu ka mid yahay hogaamiyaashii ugu caansanaa ee soomaaliya .

ka dib dhimashadii ceydiid waxaa soomaalida dhexdeeda lagu baahiyey Khuraafaad iyo sheekooyin cajiib ah oo ay ka mid ahaayeen in qabriga ceydiid uu habeenkii Ifo, In Ceydiid lagu argay riyo isaga oo janada ku jira iyo khuraafaad kale sida in Mareykanka ay doonayaan in Ceydiid qabrigiisa Fagtaan si ay ay maskaxda ceydiid ula baxaan Iwm.

sida uu sheegay mid ka mid ah dadka ku nool aggagaarka Qabuuraha Barakaat Waxaa la ilaalin jiray Qabriga Ceydiid iyadoo sida la sheegay laga cabsi qabay In Dowladda Mareykanka Ay la baxdo meydka marxuunka.

Sidoo Kale Aqriso: Tahriibka-waa-jannada-doqomada!

Dhanka kale Dadka ku nool Muqdisho waxa ay ku sheegeysan jireen sanadihii 1997-2005 in la argay mucjiso qabriga Jen. Ceydiid Oo Ifiya waxana arintaasi faafiyey dad ay qaraabo ahaayeen iyagoo arintaasina ku micnaayey in uu Ceydiid Owliyo ahaa.

Maxey Tahay Sababta Loo Faafiyey Khuraafaadka Intaasi La eg?

Ka dib geeridii Marxuumka waxaa sara u kacay galkacalkii beeshiisa ay u qabeen halyeeyka dhintay si ay iskaga yareeyaan welwelka geerida marxuumka waxa ay bilaabeen in ay faafiyaan waxyaabo dadkii qaarkii ay run u qaateen.

waxyaabaha ugu daran ee taageerayaasha ceydiid ay ku kaceen ayaa waxaa ka mid ahaa in ay ku soo dareen dhaarta uu qofka iyaga ka mid dhaaranaayo magaca jenanka(oo ay ceydiid ula jeedaan) iyagoo ku dhaaran jiray “wijiga ilaah wijiga jenanka !”

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...