Ma Run baa In Walaalkaa Kaa Weyn Uu Kaa Caqli Badan Yahay?

-

Wargeyska Ibaanishka Estello Next ayaa qoray warbixin uu kaga hadlaayo daraasad sheegeysa in walaalka weyn uu badanaa ka caqli badan yahay kuwa ka yaryar dhowr sabab dartood.


XAQIIQO NEWS- SAYNIS

Tarjumaadda Arabi21 oo soo xiganeysay majaladda Estello Next, islamarkaana Xaqiiqonews ay Af-soomaali u tarjuntay, waxa ay sheegeysaa in walaalada waaweyn ay badanaa isku heytaan in ay ka caqli badan yihiin kuwa ka yar yar, halka kuwa yarna ay isku dayaaan cagsiga arintaasi.

Wargeyska ayaa is weydiiyey xariirka ka dhaxeyn kara caqliga qofka iyo booska uu canugga kaga jiro qoyska, iyo sida uu kala duwanaashahaasi saameyn ugu yeelan karo noolasha qofka waxbarashada iyo shaqadaba.

Walaalka Weyn Ayaa Ka Caqli badan Ilmaha La Dhashay.

Daraasad ay iska kaashadeen Edinburgh iyo Sydney,ayna ka qeyb galeen in ka badan shan kun oo caruur ah, ka qeyb galayaasha ayaa la marsiiyey tijaabo cilmiyeed labadii sanaba mar min dhalashadooda ilaa ay ka gaaraan 14 sano jir, natiijada ayaa noqotay walaalka weyn waxa uu ka yara caqli sareeyaa kuwa ka yaryar.

Sidoo Kale Aqri: Dood Wili Taagan: Yaa Cali Badan Ragga Mise Dumarka?

Laakiin Caddeymaha ay natiijada u cuskatay arintani badanaa waxa ay soo hoos galayaan qaabka loo soo barbaariyey canugga qoyska dhaxdiisa.

1- Dhiirigelinta

Wargeyska waxa uu leeyahay waalidiinta waxa ay dhiiri gelin siiyaan canugooda ugu weyn, madaama uu yahay “curudka”, gaar ahaan marka uu yaryahay, arintaasi oo ka qeyb noqoneysa xoojinta awoodda canugga.

2- Waqti Ku Filan Ayuu Helay

Waalidiinta cusub waxa ay cunugooda ugu horeeya siiyaan waqti ku filan, arintaasi oo isbadasha marka waalidka ay helaan ilmaha labaad ama seddaxaad.

Sidaa darteed waqtiga ku filan ee uu helay waxa ay walaalka weyn siineysaa Koritaan xagga maskaxda ah.

3- Barashada Luuqadda

Majaladda ayaa soo bandhigtay isku xir ka dhaxeeya barashada luuqadda iyo caqliga qofka, madaama dhiirigelin badan ay helayaan waqti hore oo noolashooda ah, walaalada waaweyn luuqaddooda waaa mid aad u heer sareysa arintaasi oo ka dhigeysa mid u fududeysa waxbarashada.

4- Daneynta iyo horumarinta awoodahooda.

Daraasadda waxa ay tilmaamtay in walaalada waaweyn ay helaan taageero badan, gaar ahaan waalidiinta waxa ay siiyeen wax walbo oo uu u baahan yahay canuugooda ugu horeeyey.

Laakiin markii uu dhasho walaalkii yaraa waxaa hoos u dhaca daneyntii caruurta, arintaasi oo saameyn ku yeelan karta koritaanka aqooneed ee qofka.

Wararka U Dambeeyey

Imisa Qof Oo Soomaali Ah Ayaa Hub Heysta?

Hubka saxda ee gacanta uga jira muwaadiniinta Soomaaliya waa mid aan la aqoon, hase ahaate warbixin lagu qoray webseetka...

Internetka Aduunka Oo Halis Ugu Jira In Uu Joogsado Sababtan Darteed

Saynisyahanada ayaa ka digaya cillad guud oo ku timaado internetka aduunka iyaga oo sababtuna ku qeexaya nidaamka cadceedda oo...

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...