Ma Tahay Waqtigii Soomaaliya Ay Dhihi Laheyd “Baay Baay Jamacadda Carabta”?

La Wadaag Asxaabtaada

1974-kii Soomaaliya ayaa maalgashatay “Ganacsi aan lagu faa’idin” hadda waa waqtigii Soomaaliya ay go,aansan laheyd in ay miiska soo saarto doodda ” Ka bixitaanka Jaamacadda Carabta”.

Xaqiiqonews-Wararka.

Ma heysano waqti nagu filan si aan ugu dul ooyno “Caanaha daatay” miyeysan aheyn waqti ku habboon oo Soomaalida ayku dhiiran lahaayeen in ay dhahaan “Baay baay Jaamacadda Carabta”? , haa ku dhawaad 50 sano oo Soomaaliya ay xubin ka aheyd jaamacadda carabta, faa,idada ay heshay waxa ay noqotay oo kaliya “Faragelin”,faragelin waxbarasho, mid dhaqaale, iyo xitaa mid siyaasadeed oo waqtiyadan dambe caan noqotay.

Faragelinta Imaaraatka kuma egaan oo kaliya hoolalka jaamacadaha iyo qolalka dugsiyada, sidoo kale waxa ay gacmaha la galeen xafiisyada dowladda iyo hoolalka barlamaanka, waxaana qarka loo saaran yahay in ay soo baxaan siyaasiin wato dhalasho ah Haaf Soomaali/Haaf Imaaraat.

Hagaag waa waqtigii Soomaalida ay go,aansan lahaayeen in kubadda lagu celiyo halkii ay ka timid, waana waqtigii warbaahinada Soomaalida ay  far waaweyn ku qori lahaayeen “Waa in aan ka  baxnaa jaamacdda Carabta”

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada