Ma Tahay Waqtigii Soomaaliya Ay hawadeeda Ka Mamnuuci Laheyd Boeing737 Max?

Arinta Burburka diyaaradda Itoobiya waxa ay aheyd “Dhacdo caadi ah” hase yeeshee maalmo ka dib,  Arintu waxa noqotay mid weyn oo gilgishay mid ka mid ah aqalka shrikadaha dunida ugu waaweyn.

Xaqiiqonews-Wararka

Dowladaha dunida kuwooda ugu caansan ayaa joojiyey isticmaalka Diyaaradaha Boeing gaar ahaan diyaaradda rakaab ah ee nooceedu yahay Boeing 737 Max.

Soomaaliya ayaa marin muhiim u ah Diyaaradaha iskaga kal goosha dunida, waxaana hawada Soomaaliya isticmaala diyaarado badan oo ay ka mid ah Diyaaradda Boeing 737 MAx, taasi oo sida la sheegay halis ku ah amaanka muwaadiniinta.

Ma jirto ilaa hadda Wax War ah oo ka soo baxay DF-ka oo ku aadan sida ay ula dhaqmayaan Diyaaradaha noocan ah ee shakiga weyn ka taagan yahay farsamadooda.

Dowladda Mareykanka oo iyada dalkeeda lagu sameeya Diyaaradaha Noocan ah, ayaa ka mamnuucday hawadeeda diyaaradda baaritaanka ku socda ee Boeing MAx.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA