Maahmaayadaa waa oraahdyo duq oo dad ay horay u yiraahdeen, hase ahaatee ma ogtahay in aysan duugoobin oo hadba qofkii danta ay ka soo gasho uu hadalkiisa ku quruxsada, intaasi waxaa dheer in ay saameyn ku yeesheen habka fikirka mujtamaca iyo qoyskaba.
XAQIIQO NEWS-
Nasiib darro, maahmaahydan hoose ayaa ka mid ah kuwa fikirka ka badaly oo qaabeeyey dad badan oo naga mid ah.
1- Maslaxadaada Maqaar ey Ayaa Loogu Seexdaa..rawaahu qof gummeysiga aqbalay
2- Ninka Hooyadey Guursada Waa Adeerkey.. mutafiq caleyh(waxaa mutafiq ku ah danley oo dhan)
3-Caado laga tago caro Alle Ayey leedahay.. rawaahu oday dhaqmeed isbadalka neceb
Sidoo Kale Aqri: Af-Daboolan Waa Dahab
4-Cisho iyo naag xunba waa la dadajiyaa.. rawaahu qeyrul mas’uul
5- Nin dhintay kabahiisa Ayaa Ka Fiican..rawaahu bililiqo doon
6-Wax Raagay rag kuma samo..rawaahu nin
6-Gabar Guri rag ha kaa joogto ama god ha kaaga jirto..rawaahu Aabo qeyrul mas’uul
7-Alif Wax ma leh Naag wax ma leh..rawaahu rag dhaxal boob ah
8-Birri Waage Mooyee Waxsan kama Yimaadeen..rawaahu caajislow niyad jabay
9-Naag Been ayaa lagu soo xero geliyaa run waa lagu dhaqaa..rawaahu guurdoon
10-La jiifiyaa banaan la joojiyaana banaan… rawaahu fulay
Maxaad Ku dareysaa?