Alshabaab ayaa faafiyey in ay dileen wax ka badan 75 askari oo Ciidmada Soomaalida ee Imaaraatka Tababray ka tirsan, Ka dib Isqarxin lagu hoobtay oo ka dhacday Shabeelaha Hoose gaar ahaan Degmada Afgooye.
Qasaaraha ayaa ka Dhashay Gaari lagasoo buuxiyay walxaha qarxa oo uu kaxaynayay dagaalyahan Naftiis hure ah oo isku qarxieyy bartamaha saldhigg ku yaalla Afgooye, qaraxa ayaa sababay in uu gubto saldhigga.
Ciidamada lagu laayay saldhigga melleteriga degmada Afgooye ayaa isku diyaarinayay in ay gurmad ufidiyaan degmada Balcad oo xilligaas uu ka socday dagaal u dhaxeeya xoogaga Alshabaab Iyo Dowladda.
Alshabaab ayaa sheegay in Weerarka lagu dilay Saraakiil tababarayaala ah oo Ka soo jeeda Imaaraatka Iyo Koonfur Africa.
Dhanka kale Warbaahinta ku hadasho afka Shabaab ayaa sheegay inay Kooxda Shabaab cagta mariyeen kolonyao ciidamada AMISOM ah gaar ahaan kuwa Burundi, iyadoo ay sheegayaan in la gubay illaa 13 Baabuurta Gaashaaman oo ay lahaayeen Ciidamadaas kadib dagaal saacado badan qaatay oo ka dhacay Duleedka Magaalada Balcad.
Marka laga soo tago sheekashooyinka Alshabaab ilaa hadda ma jirta wax war ah oo ka soo baxay Dowladda, Iyadoo Sarkaal dowladda Ka tirsan Saxaafadda la hadlay uu sheegay in ay dib ka soo sheegi doonaan wixii Khasaaro ah.