Maalinka Xoriyadda 1 Luulyo Khuraafaad Mise Dhab!?

La Wadaag Asxaabtaada

Soomaaliya ayaa u dabaaldagtay maalinka Xoriyadda 1 Luulyo maalmo un ka dib markii Jabuuti iyo Madagascar ay dabaaldageen.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Xilli hore Gumeystaha ayaa ku dadaalay in uu kala qeybiyo Soomaalida, waxaana dadka Soomaalida ay u kala qeysanaayeen, qeyb ingiriiksa gumeysto, qeyb Faransiiska Gumeysto iyo Qeyb Taliyaaniga iska maamusho.

Maanta Nus qarni ka dib tafaaruriqii Soomaalida ayaa maraya meeshii ugu xumeyd, gacmaha shisheeyaha ayaan gudaha ka adeeganaya, mana jirto wax natiijo ah oo ka soo baxay rajadii “Soomaali weyn”

Sidoo Kale Aqriso: Natiijada-Xoriyadda-Yurub-80%Dumarka-faransiiska-Waxa-Ay-la-Kulmaan-Qashqashaad

Dhamaan waxyaabaha dhacaya ayaa rajadii Soomaalida u badalay “Hal Bacaad Lagu Lisay” waxaana dalka majaraha u qabtay Siyaasiin Xariif ku ah “Ganacsiga” sida kuwii ka hoos shaqeyn jiray gumeystaha 50 sono ka hor.

Sidaa darteed “Ma aragtaa wax is badalay 50-kii sano ee la soo dhaafay? Waxyaabaha aan aragno soo lama dhihi karo waa taariikhda oo iyada is soo cilisay? hase yeeshee hal arin oo kaliya ayaa dhab ah ——-Halgankii wili waa socdaa———

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada