Dabagal ay sameysay hay’adda “Arabia Weather” ayaa lagu shaaciyey in Ramadaanka sanadkan 2022-1443H uu bilaaban doono maalinka sabtida ah ee ku aadan 2-da bisha Abriil.
XAQIIQO NEWS- XIDDIGISKA
Xisaabaadka xiddigiska ayaa tilmaamay in ay suurtagal tahay aragtida bisha galabnimada jimacada 1-da Abriil.
Waxaana lafilayaa in maalinta xigta ee sabtida oo ku beegan 2-da Abriil ay noqon doonto maalinta koowaad ee bisha Ramadaan sanadka 1443H.
Ciidul Fidriga ayaa la filayaa in ay noqon doonto maalin isniin ah 2-da May 2022, taasi oo ka dhigan in sanadkani 1443 bisha Ramadaan ay buuxsan doonto 30-ka maalmood.