Maamulaha Shirkadda Tuwiter Oo La Jabsaday Ciwaankiisa

La Wadaag Asxaabtaada

Maamulha Shirkadda Tuwiter ninka lagau magacaabo “Jack Dorsey” ayaa waxaa ciwankiisa u soo dhacay qowleysato Internet-ka ah.


Xaqiiqonews-Tiknoolaji

Koox haykaris ah oo isku magacawday ” Chuckling Squad ” ayaa sheegtay mas’uuliyadda dhaciii loo geystay gudoomiyaha ahna asaasha shirkadda Tuwiter Jack Dorsey.

Sida Xaqiiqonews ay soo tarjuntay ciwaanka la jabsaday waxaa ku xirnaa ilaa 4 milayn oo qof, iyadoo koxoda haykariska ahna ay ku baahiyeen qoraalo sitay cunsuriyad muddo 15 daqiiqo ah .

Sidoo KAle Aqriso Feysal-qaasim-sacuudiga-ayaa-bixinaya-qarashka-diyaaraddii-iiraan-soo-riday!

Shirkadda Tuwiter oo arintani war ka soo saartay ayaa beenisay in la jabsaday shirkadda, balse waxa ay qirteen in la jabsaday Maamulaha ciwaankiisa iyagoo eedeyn dusha ka saaray shirkad is-gaarsiineed oo magaceeda aan la shaacin.

ugu dambeyntii Tuwiter ayaa tiri “Maamulaha waxa uu la kulmay dhac, mas’uuliyaddana waxaa iska leh shirkadda Isgaarsiinta ee Maamulka uu isticmaalayey Lambarkeeda”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada