Maamulka shabakadda Xaqiiqonews oo hambalyo U diray Shacabka Muslimiinta Iyo Bisha oo Laga argay…..

La Wadaag Asxaabtaada

Waxaa maqribnimadii caawa qeybo ka mid ah dalka soomaaliya laga argay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan waxaana ka mid ah goobaha bisha laga argay degmada qansaxdheere ee gobolka baay,deegaanka Qoobeexaas ee gobolka Hiiran iyo waliba degmada ceelcali oo isla Gobolka Hiiran.
Xasan Axmed oo ka tirsan Dadka ku nool degmada ceeclai ayaa u sheegay shabakadda xaqiiqonews in uu indhihiisa ku argay bisha Ramadaan isago iyo seddex kale oo ka mid ah dadka lagu kalsoonyahay.
Dhanka kale Maamulka shabakadda xaqiiqonews waxa ay hambalyo u dirayaan munaasbadda bisha barakeysan ee Ramadaan darteed dhamaan muslimiinta gaar ahaan umadda soomaaliyeed.
“waxaan ku dhiirigelineynaa umadda islaamka in ay ka faa,ideystaan fadliga bisha barakeysan ee ramadaan waxaana leenahay muslimiinta “kulu caam wa antum bikhyr”.
Muumulka sare ee shabakadda,taftiraha shabakadda iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee shaqaalaha shabakadda waxa ay umadda la wadaagayaan faraxadda bislashada bisha Ramadaan.
muqdisho waa laga soomayaa birri sida ay ku dhawaaqday wasaaradda diinta iyo awqaafta ee dowladdda soomaaliya iyadoo sidoo kale laga soomayo degmada Jilib oo ay alshabab maamulaan.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada