Maanta Ka Dib Qof Dambe Ha Dhihin “Sidee Tahay”

-

Khubarada ku takhasusay xirfadda wada xiriirka dadka waxa erayadani ku micneeyeen “kuwa khasaaro ah” madaama qofka weydiinaya uusan sugeynin jawaab sax ah, halka qofka la weydiiyeyna uusan bixineynin jawaabta saxda ah.


XAQIIQO NEWS- HORUMARINTA NAFTA

Dhabta aan ka hadalno, badanaa markii qof aad weydiineyso “sidee tahay”, muhiim kuuma ahan jawaabta uu bixin doono, sidoo kalane qofka aad weydiisay isna ma bixin doona jawaab sax ah oo isaga ka tarjumeysa, sidaa darteed khubarada waa ay saxnaayeen markii ay su’aashani ku sharxeen mid “macno darro ah”.

Baarayaal ka tirsan jaamacadda Harvard, oo falanqeyn ku sameeyey 300 oo wada sheekeysi online ah, ayaa waxa ay ogaadeen kuwii lagu bilaabay su’aalo xiiso leh ( aan aheyn sidee tahay, maxaa ka cusub), in ay noqdeen kuwa mira dhalay.

Sidoo Kale Aqri..Sidee Iskaga Joojin Kartaa Waji Ka Naxa.. Baro Qaabab fudud

Hagaag, ma rabtaa inaad iska badasho “isbar weydiin-dhaqameedkan”, aadna noqoto qof warkiisa xiiso leeyahay, muhiimadda waa nooca su’aasha aad ku bilowda wada sheekeysiga iyo qaabka aad hadalka u sii wado.

Isticmaal Xeerkan (RX+A)

  • R: Runta waa in ku saleysnaadaa wada sheekeysigaaga
  • X: Sheekadaadu waa in ay Xiriir la lahaato waxa meesha yaala
  • A: sheekada waa in laga dhadhamiyaa qofka dhabka ah ee Adiga aad tahay

Indhaha Kala Fur Inta Aadan Afka Kala Furin

Hareerahaada ka fiiri sawir, darbi ama gabal yar oo warqad ah kaasi oo laga yaabo in uu sabab u noqdo wada sheekeysi oo ugu dambeyn ku dhamaan kara wada hadal guuleysta.

Dhinaca kale hadii aad sugato oo aadan hadlin waxaa dhici kara laba mid un: wixii aad dhihi rabtay in uu qof kale dhaho, ama qof kaa war badan uu booskaada buuxiyo oo halkaasi aad fursadda ku lumiso.

Afkaada, Adinkaada Ayaa Ka Muhiimsan.

Dadku ma badanaa ma dhageystaan waxa aad sheekeyso waxa ay arkaan waxa aad sameyneyso, qaabka wajigaada, daymada indhaha ayaa wax badan ka badali kara qaabka wada hadalka.

Si fiican u eeg qofka aad la sheekeysaneyso, ha fiir fiirinin miiska ama taleefonkaada, markale ayaan kugu celinayaa dadku ma xiiseynayaan waxa aad sheekeyso waxa ay xiiseynayaan sida aad u sheekeyso.

Wararka U Dambeeyey

Calaamado Soo Muuqan Kara Bil Ka Hor Wadno Xanuunka

Dr. Satir Zhijian, oo ah dhaqtar wadanaha ayaa tilmaamay in calool xanuunka iyo dhabar xanuunka ay noqon karaan calaamado...

Xarun Sayniska Iyo Tiknoolajiyadda U Gaar Ah Oo Muqdisho Lagu Dhagax Dhigay

Jaamacadda SIMAD oo caan ku aheyd aqoonta ganacsiga iyo xisaabaadka ayaa dhawaan daah furtay xarun cusub oo u gaar...

Xog..Jabuuti Oo Soo Bandhigtay Darooniska Bayrakhtaar TB2

Bandhig milatari oo Jabuuti ugu dabaal dageysay sanad guurradii 45aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen...

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...