Maaskaro Caqli leh Oo Hadlaya!

-

Shirkad Jabaanees ah ayaa soo hindistay “maaskaro caqli leh” kaasi oo lagula xiriirin karo internetka, arintani ayaa imaaneysa xilli dunida ay la dhibaatooneysa mushkiladda karoona Fayrus.


Xaqiiqonews-Tiknoolaji

Shirkadda Jabaaneeska ah ee Donut Robotics, ayaa soo saartay maaskaro awood u leh in ay hadasho oo ay tilmaamo siiso qofka xirnaya, arintaasi oo ah muhiim ah madaama dunida ay la dhibaatooneysa xanuunka ka dhashay fayruska karoona.

Waxyaabaha ku cusub maaskarahan waxaa ka mid ah maaskaraha in uu awood u leeyahay in uu u tarjumo luuqadda jabaan ilaa sidee luuqad oo kale oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Shiinaha, Isbaanishka, Faransiiska, Kuuriya, Fiitnaamka, Indoniisiyaanka iyo luuqadda Thailand.

Sidoo Kale Aqri..Ikhtiraac Cusub..Ookliyaale Caqli leh Oo Garanaya Dambiilayaasha!

Shirkadda soo saartay maaskaraha ayaa xustay in maaskaraha uu ka sameysanyahy caag midib cadaan ah leh, 5-ta kun xabo ee ugu horeysana in laga heli doono suuqyada Jabaan bisha Septembar ee soo socota.

Aasaasaha shirkadda sameysay maaskarahan caqli leh, Taesuk Ono, ayaa carabka ku dhuftay in shirkadda maaskarahan u suuq geyn doonto Shiinaha, Mareykanka iyo Yurub oo “arintani laga daneynaayo” sida uu hadalka u dhigay.

Qiimaha halkii maaskaro ayaa gaaraya $40 doolarka Mareykanka ah

Qofka adeegsanaya maaskarahan ayaa ablikeeshin ka iibsanaya Internetka si uu uga shaqeysiiyo maaskaraha.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...