Macalin Isagoo Aradayad Xodxodanaya La Arkay Oo La Xiray

Wasaaradda arimaha gudaha Masar ayaa ku guuleysatay in ay soo xirto macalinkan da’da ah kaasi oo muuqaal la baahiyey lagu arkay isaga oo ardayad yar ku xodxodanaya fasalka dhaxdiisa


XAQIIQO NEWS- BARAHA BULSHADA

Wararka ayaa sheegaya in macalinkani uu dagan yahay xaafadda Al khaliifa ee ku dhaw bartamaha caasimadda, baaris ayaana ku socoto si su’aalo looga weydiiyo muuqaalka la baahiyey.

Dad isticmaala baraha bulshada, ayaa baahiyey muuqaalka macalin da’a ah kaasi oo gacamaha kula jira ardayad yar fasalka dhaxdiisa.

Sidoo Kale Aqri..Macalin Gabdhaha Jaamacadda Galmo Ka Dalbada..Badalkeedana Dhibca Siiya

Muuqaalka waxaa lagu arkayaa macalinka oo bagga saaray inanta yar, kana shuminaya afka, muuqaalka ayaa sida la sheegay laga duubay daaqadda,waxaana lagu baahiyey Tuwiterka, intaasi ka dib waxaa aad la isku dhaafsaday Hashtag ah “ha la toogto macalinka gabdhaha xodxodaa”.

Qaahira ayaa lagu tilmaamay in ay ka mid tahay meelaha ugu badan aduunka ee gabdhaha lagu fara xumeeyo.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA