Warbaahinta Mareykan qaarkood ayaa wax ka qoray qaabka jadwal maalmeedka madaxweyne Trump iyadoo maalmahan danbe ay jirtay dood ka dhalatay buug laga qoray Trump.
Websiteka Axios ayaa wax ka qoray habka Trump uu u shaqeeyo iyagoo ku eedeeyey in Trump waqtigiisa uu yahay Mid aan nidaamsaneen.
Saacdu marka ay tahay 11:00 am oo suabaxnimo Trump waxa uu shaqadiisa ku bilaabaa in uu warbxin ka dhageysto qolada iclaamka u qaabilsan aqalka cad,ka dibna waxa uu shir gaaban la qaataa qolada sirdoonka iyo amniga qaranka.
intaasi ka dib Trump ayaa u dhaadhaca qolkiisa nasashada oo ku yaala aqalka cad,islamarkaana waqtigiisa ugu badan waxa uu ku qaataa daawashada T.V-ka iyo in uu sameeyo wacitaano, waxa kale uu isla waqtigaasi fariimo ku baahiyaa bogiisa twiterka.
Habdhaqankiisa madaxtinimo waxaa uu u egyahay sida isaga oo wali maamula ka ah shirkada gancsiga ee “Trump” sidaasi waxaa qoray website-ka Axios oo Trump ku eedeeyey maamul xumo