Macnaha Qarsoon ee Aayadda وَإِنَّ يَوْمًا عِندَ رَبِّكَ كَأَلْفِ سَنَةٍ مِّمَّا تَعُدُّونَ#Aayadda Xaqiiqonews

-

ًWaxey sheegaan in dunida ay jirto wax ka badan qiyaastii 4.5 billion oo sano, waa sanado aad u badan marka lagu xisaabtamo maalmaha aan tirsano marka aan dunida joogno, hase yeeshee xisaabinta Rabbi intaasi ma dhamo.

1439 sano ka hor, ayuu qur,aanka sheegay in ay soo dhawdahay Qiyaamo saaca(aakhirada), waana muddo fog, balse maxey tahay sababta qur,aanka u isticmaalay ereyga “dhawaansho” annagoo og in waqati badan laga joogo, markii qur,aanka sheegay in dunida rogman rabto.

Waa arin fudud, waana arin muhiim in aan ogaano in xisaabinteena caadiga ah ee aadamiga ay ka duwantahay, xisaabinada kale  ee Allah iyo Adeegayaashiisa ay isticmaalaan.

Aayadda 47,aad ee Suurat AL Xaj Waxaa Eebe ku leeyahay:

(وَيَسْتَعْجِلُونَكَ بِالْعَذَابِ وَلَن يُخْلِفَ اللَّهُ وَعْدَهُ ۚ وَإِنَّ يَوْمًا عِندَ رَبِّكَ كَأَلْفِ سَنَةٍ مِّمَّا تَعُدُّونَ)

“Waxey ka dalbnayaan (muxamadow) Cadaab deg deg ah, kunkii sano  ee aad xisaabsataan, waxa ay la mid tahay hal maalin marka Rabbi agtiisa la joogo(xisaabinta ilaah)”.

Cimrigga Bani aadamka.

Umadda Nabi Muxamed SCW ahna ummadaha ilaah abuuray tan ugu danbeysa, ayaa celcelisa ahaan cimriga qofka caadiga ah ku dhinta waxa ay tahay 60 sano.

ًDadka xisaabta waxa ay sheekaan in marka cimriga caadiga  qof gaaray 100 sano, loo badalo xisaabinta Alle in aysan ka badneyn 3 daqiiqo,, hadiise qofka ku dhinta wax ka yar 60 cimrigiisa waxa uu noqonayaa 2 daqiiqo wax ka yar Subxaanalaah.

Gunaanad

Marka qofka uu ka tago waxyaabaha aan dunida ku xisaabsana ee wahmiga ah, waxaa uu ogaanayaa qiyaasta dhabta ah ee  aan noolnahay,

Nabigga SCW waxaa noolashiisa aduunyada ku tilmaamay “Nin waddo gooynaya”, maxaa ka qurux badnaa Erey bixinta nabigga ee noolasha u isticmaalay.

Wararka U Dambeeyey

Calaamado Soo Muuqan Kara Bil Ka Hor Wadno Xanuunka

Dr. Satir Zhijian, oo ah dhaqtar wadanaha ayaa tilmaamay in calool xanuunka iyo dhabar xanuunka ay noqon karaan calaamado...

Xarun Sayniska Iyo Tiknoolajiyadda U Gaar Ah Oo Muqdisho Lagu Dhagax Dhigay

Jaamacadda SIMAD oo caan ku aheyd aqoonta ganacsiga iyo xisaabaadka ayaa dhawaan daah furtay xarun cusub oo u gaar...

Xog..Jabuuti Oo Soo Bandhigtay Darooniska Bayrakhtaar TB2

Bandhig milatari oo Jabuuti ugu dabaal dageysay sanad guurradii 45aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen...

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...