ًWaxey sheegaan in dunida ay jirto wax ka badan qiyaastii 4.5 billion oo sano, waa sanado aad u badan marka lagu xisaabtamo maalmaha aan tirsano marka aan dunida joogno, hase yeeshee xisaabinta Rabbi intaasi ma dhamo.
1439 sano ka hor, ayuu qur,aanka sheegay in ay soo dhawdahay Qiyaamo saaca(aakhirada), waana muddo fog, balse maxey tahay sababta qur,aanka u isticmaalay ereyga “dhawaansho” annagoo og in waqati badan laga joogo, markii qur,aanka sheegay in dunida rogman rabto.
Waa arin fudud, waana arin muhiim in aan ogaano in xisaabinteena caadiga ah ee aadamiga ay ka duwantahay, xisaabinada kale ee Allah iyo Adeegayaashiisa ay isticmaalaan.
Aayadda 47,aad ee Suurat AL Xaj Waxaa Eebe ku leeyahay:
(وَيَسْتَعْجِلُونَكَ بِالْعَذَابِ وَلَن يُخْلِفَ اللَّهُ وَعْدَهُ ۚ وَإِنَّ يَوْمًا عِندَ رَبِّكَ كَأَلْفِ سَنَةٍ مِّمَّا تَعُدُّونَ)
“Waxey ka dalbnayaan (muxamadow) Cadaab deg deg ah, kunkii sano ee aad xisaabsataan, waxa ay la mid tahay hal maalin marka Rabbi agtiisa la joogo(xisaabinta ilaah)”.
Cimrigga Bani aadamka.
Umadda Nabi Muxamed SCW ahna ummadaha ilaah abuuray tan ugu danbeysa, ayaa celcelisa ahaan cimriga qofka caadiga ah ku dhinta waxa ay tahay 60 sano.
ًDadka xisaabta waxa ay sheekaan in marka cimriga caadiga qof gaaray 100 sano, loo badalo xisaabinta Alle in aysan ka badneyn 3 daqiiqo,, hadiise qofka ku dhinta wax ka yar 60 cimrigiisa waxa uu noqonayaa 2 daqiiqo wax ka yar Subxaanalaah.
Gunaanad
Marka qofka uu ka tago waxyaabaha aan dunida ku xisaabsana ee wahmiga ah, waxaa uu ogaanayaa qiyaasta dhabta ah ee aan noolnahay,
Nabigga SCW waxaa noolashiisa aduunyada ku tilmaamay “Nin waddo gooynaya”, maxaa ka qurux badnaa Erey bixinta nabigga ee noolasha u isticmaalay.