Saddex ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa shalay looga yeeray magaalada Muqdisho, kuwaasoo diyaarado gaar gaar ah looga soo qaaday magaalada Jowhar ee xarunta u ah Maamulka Hirshabeelle.
Musharaxiintan oo kala ah Daahir Cabdulle Cawaale, Cabdi Faarax Laqanyo iyo C/naasir Xaaji Shirwac ayay wararku sheegayaan inay taageero ka raadinayaan dowladda Dhexe, iyadoo si kala gaar gaar ah ay u wataan Mas’uuliyiinta dowladda.
Qaar ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha ee ku sugan magaalada Jowhar ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay gadaal ka taageereyso Musharaxiintan oo qaarkood loogu soo dhoweeyay Jowhar si hab maamuus Madaxweyne, isla markaana ay ilaaliyaan Ciidamo ka tirsan dowladda.
Wararka ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay wado isku day ay ku dooneyso inay ku mideyso Musharaxiintan, isla markaana isku tanaasulaan, marka la gaaro wareega ugu dambeeya ee doorashada.
Warar aynu heleyno ayaa sheegaya in saddexdan Musharax ay kala taageerayaan Xafiiska Madaxweynaha, kan Ra’iisul Wasaaraha iyo Maamulka Gobolka Banaadir,
Musharax Cabdi Faarax Laqanyo ayaa la tilmaamay in Madaxtooyada ay taageereyso, waxaana xalay la sheegay inuu la balansanaa Madaxweynaha.
Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in Musharax Daahir Cabdulle Cawaale oo lagu tilmaamay inuu yahay Musharaxa ugu saameynta badan xilligan ayaa waxaa uu taageero ka heystaa Wasiiro iyo Xildhibaano ku dhow Ra’iisul Wasaaraha.
Saddexda Musharax ayaa lagu wadaa inay maanta dib ugu laabtaan magaalada Jowhar, si ay ololahooda u sii wadaan.
Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalinta Sabtida ee soo socota oo ay taariikhdu ku beegan tahay 16 bishan, waxaana magaalada ka socdo olole aad u xooggan iyo kulamo Musharaxiinta ay ku kasbanayaan Xildhibaanada Hirshabeelle.