Madaxweynaha faransiiska Emmanuel Macaron ayaa si bahdilaad iyo isla weyni ay ku dheehantahay ula dhaqmay dhigiisa Burkino faso Christian Capuri intii lagu guda jiray kulan ka dhacay hoolka jaamacada “Ouagadougou “.
sheekada oo faafaahsan ayaa ah markii madaxweynaha faransiiska uu ka jawaabay su,aal ku saabsaneed baahida reer burkino faso ee ku aadan in ay dalbanayaan in wax laga qabto koronto la,aanta ka jirta caasimadda hase yeeshee madaxweynaha faransiiska ayaa kaga jawaabay dalabkaasi si jees jees ah isagoo yiri”waxaad ila hadleysaan sida aniga oo ka socda dowlad idin gumeysata,…ma jecli in aan ka hadlo mushkilad koronto iwm maxaa yeelay waa howl u taal madaxweynaha(waxa uu gacanta ku fiiqay madaxweynaha Burkino faso).
Hadalkan ayaa u muuqda bahdilaad kii ugu cuslaa ee madaxweyne Europe ah kula dhaqmo africa gumeysigii ka dib waxaana markii danbe hoolka iskaga baxay Madaxweyne Christian Capuri hase ahaate Macaron ayaa hadalkiisii jees jeeska ahaa sii raaciyey “wuu baxayaa…maa iska joogtid….wuxuu u baxay in uu dayac tiro qaboojiyaasha(air conditions) waxaana intaasi ka dib howlka is qabsaday qosol.
Qaar ka mid ah warbaahintaa Faransiiska iyo tan reer Burkino faso ayaa isku si kaga hadlay arinkan waxeyna ku tilmaameen Bahdilaad aan geed loogu soo gaban waxeyna ku tilmaameen mid muujineysa isla weyni gumeysi,.
dhanka kale dadweyne careysan ayaa dhagaxeeyey kolonyo uu la socday Emmanuel Macaron taasi oo sababtay in ay jabto mid ka mid ah daaqadaha baaburta madaxweynaha hase ahaatee ma jirto wax khasaaro nafeed ah sidoo kale boqolaal dadweyne ah ayaa iskugu soo baxay jaamacada Ouagadougou horteeda iyagoo sitay boorar ka dhan ah Macaron waxeyna ku dhawaqayeen ” Wuu dhici doona Gumeysiga reer galbeedka ee africa”