Madaxweynaha Jubbaland Oo Go’aansaday In Uu Dirbi Jiif Noqdo!!

Suuban Mahad waxa ay ku doodeysaa in ay tahay madaxweynaha saxda ah ee Jubbaland kaasi oo ay codkooda siiyeen shacabka, waxa ayna hadda isku badashay darbi-jiif, ka dib markii loo diiday ka qeyb galka shirka ka socda Muqdisho.


XAQIIQO NEWS_ WARARKA GUDAHA

Suuban ayaa qeyb ka aheyd musharaxiintii Jubbaland ee ka soo horjeeday habkii lagu soo doortay Axmed Madoobe.

Muuqaal uu baahiyey Tilifishinka Somali cable, Suuban waxa ay kaga sheekeyneysaa go’aanka cusub ee ay ku dooratay darbi jiifnimada ka gadaal markii loo diiday ka qeyb galka shirka DF-ka iyo maamul goboleedyada uga furmaya Muqdisho.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA