Madaxweynaha Waddaniga ah Muxuu Dagaal Sokeeye U Bilaabaa!

La Wadaag Asxaabtaada

Ma ogtahay dagaalka Itoobiya ka socda in uu yahay isla dagaalkii Soomaaliya oo xaduudda ka gudbay? ma ogtahay Abi ahmed in uu yahay madaxweynihii ugu wadanisanaa ee Itoobiya soo mara? ma ogtahay dagaalka sokeeye in uu had iyo jeer ka bilowda dal jeceylka.? inta aadan igu raacin ama aadan igu diidin ii ogolow in aan faafaahin ku siiyo.


XAQIIQO NEWS – WAR IYO DHAMMAANTIIS

Warka: Nofeembar 4-teeda, Abi Ahmed waxa uu iclaamiyey oo kaliya dagaal ka dhan ah jabhadda Tigrey, hase ahaatee dagaalka waxa uu ka bilowday meelo badan oo Itoobiya ka mid ah haba ugu xoogganaato gobolka Tigrey.

Dhammaadkiisa: inta aanan ka hadlin dagaalka sokeeye ee Itoobiya ka socda, mushkiladda halka ay ka taagan tahay iyo isku ekaanshaha u dhaxeeya dagaalkii Soomaaliya iyo kan Itoobiya, ii ogolow in aan waxyar ka hadalno halka uu hadda xaalka taagan yahay.

Sidoo Kale Aqri: Daawo-waa-sidee-xaalka-gobolka-Tigrey?

Caawa waxaa soo idlaanaya waqtigii Abi Ahmed uu u qabtay si ay isku dhiibaan hogaamiyaasha jabhadda TPLF, laakiin su’aasha qiimaheedu uu ku kacaayo boqolka geellka ah waxa ay tahay “TPlF ma is dhiibi doonaan?

Aqriste, maskaxdaada ha ku dhibin in aad jawaab u raadiso su’aashaas, iska daa qof kale Abi ahmed xitaa wuu ogyahay in aysan isa soo dhiibeynin, waa un qeyb ka mid ah “dagaalka afka ah”, dhinaca kale dagaalka waxa uu ka socdaa qeybo badan oo Itoobiya ka mid ah, isku dhacyada noocaas ah waxaa ugu dambeeyey isku dhax ciidanka DF-ka Itoobiya iyo kuwa Oramada ku dhax maray deegaanka Mooyaale.

Shalay Soomaaliya, Maanta Itoobiya

Shalay dalka Soomaaliya waxaa burburiyey waddaniyiin, waddani doonaya in uu qaranka ka ilaaliyo calaashood u shaqeytayaal! iyo waddani doonaya in uu xilka ka qaado kali talis!

Itoobiya waa sidii oo kale, Aby Ahmed waa kan waxa uu doonayaa in Itoobiyaanka jannada ku aruuriyo(sida uu ku doodaayo),Tigreegana waxa ay diidan yihiin jannada qabowgeeda, ma arkeysaa waddaniga waxa uu ku qasbayaa muwaadiniinta in xoog ku galaan “jannadiisa”

Warkii oo kooban isku dayka Abi Ahmed ee adeegsiga “xoog milatari”, kaliya dagaalka ma sii dheereyneyso, waxa kale ay magac cusub siineysaa fikir kala duwanaashihii qowmiyadaha Itoobiya, hadda waxaa bilowday “dagaalkii sokeeye”

Ugu dambeyn halkan ayaan soo fadhiyaa aniga oo afka miiqaya lana yaaban “hadii waddanigaba uu yahay dagaal ooge, maxay dadka waddaniga u amaanaan? kama hadlaayo Itoobiya oo kaliya, waddaniyiinteena xitaa naga fiiriya.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada