Madaxweyne Farmaajo oo diyaarsaday Shaqaalihiisa Madaxtooyada + Magacyada Agaasimaha & Taliyaha Madaxtooyada oo..

-

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha la doortay Maxamed C/llaahi Farmaajo balse aan weli la wareegin Xafiiska Villa Soomaaliya ayaa durba diyaarsaday kooxda kala shaqeynaya Villa Soomaaliya oo isugu jira Saraakiil Ciidan iyo Shaqaale rayid ah.

Wararka ilaa iyo hadda soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynuhu calaameystay shaqsiyaad loo calaamadeynayo xilalka ugu sareeya ee Madaxtooyada Villa Somalia

Shaqaalihii hore ee la soo shaqeeyay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isu diyaarinaya inay faarujiyaan Madaxtooyada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu magacaabo xilalkii u horeeyay Madaxtooyada, sida Agaasimaha Madaxtooyada, Madaxa Hab maamuuska, Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada iyo xubnaha kale ee Madaxtooyada ka howlgali doona..

Safiir kuxigeenka Safaarada Soomaaliya ee Mareykanka Taabit Cabdi Maxamed haatan isu bedelay gacan yarayaasha Madaxweynaha isla markaana uu qabo gabar abti u yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa la sheegaya in loo magacabayo Agaasimaha Madaxtooyada isagoo horey xilkan si KMG ah u soo qabtay.

Sidoo kale waxaa iyana la filayaa in Taliyaha Madaxtooyada loo magacaabo Jen. C/llaahi Cali Caanood oo horay xilkaas hayay xilligii uu Madaxweynaha ahaa Shariif Sheekh Axmed.
Waxaana meesha ka baxaya Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo Xasan Sheekh afartii sano Madaxweynaha ahaa la soo shaqeeyay.

Dhalinyaro badan ayaa daba ordaya Madaxweyne Farmaajo, kuwaasoo ahaa kooxdii Ololaha kala qeyb qaadatay, dad badan ayaa su’aal gelinaya aqoonta iyo waayo aragnimada dhalinyaradaas oo hada u shaqeeya qaab uu is bar bar-yaac, waxaana ay ku jiraan boos kala riixasho.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...