Madaxweyne Musaveni”Farmaajo waa qabyaaladiiste somaliyana malahan wadani” Aqriso Khudabadii Musaveni ee shirka London

-

Shirka maanta ka furmay magaalada London ee looga hadlayo arimaha dalka Soomaaliya waxaa ka qeyb galaya Khudbdo kala duwana ka jeediyay Madax kala duwan oo ka socotay Qaarada Afrika iyo kuwa Caalamka matalayay.
Madaxda Khudbadaha ka jeediyay Shirka ka socda magaalada London waxaa kamid ah Madaxweynayaasha Dalalka Uganda iyo Kenya iyo sidoo kale Ra’isul Wasaarhaa dalka Itoobiya oo isna kulanka ka qeyb galaya.
Yoweri Museveni Madaxweynaha dalka Uganda oo Khudbad ka jeediyay shirka London ayaa sheegay in dowladiisa ay Saaxiib aad u dhaw la tahay Soomaaliya, waxa uuna xusay in ay ay ka taageereen dhinacyo badan sida amniga una horeyn dhiigooda.
“ Uganda waa saaxiibka 1-aad ee Soomaaliya, 6dii March 2007 dii Ciidankii ugu horreeyay ee AMISOM ka socda ayaan geynay magaalada Muqdisho, kaddibna waddamada kale ayaa soo galay iyaga oo AMISOM ka tirsan, aad ayaan u rabnaa dowladimada Somalia” Ayuu yiri Museveni.
Madaxweynaha dalka Uganda ayaa Shirka London ka cadeeyay Dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya heesata in ay tahay in aysan laheyn sida uu Tilmaamay Siyaasiyiin wadani ah, waxa uuna sheegay in taa badalkeeda ay Qabyaaladu ka xoog badan tahay wadaniyada.
”Soomaaliya waa in ay heshaa dowladnimo dhameystiran, dhibka ugu weyn ee Soomaaliya heysta waxa weeye in aysan Soomaaliya lahayn Siyaasiyiin Waddaniyiin ah, waxaana ka awood badan qablaayadda waxaan soo jeedinayaa in Somaliya yeelato axzaab waddaniyiin ah, meelna iska dhigaan aragtida qabyaaladda” Ayuu yiri Madaxweynaha Uganda.
Hadalka Musaveni ayaa ahaa karbaash aan geed loogu soo gaban oo ku socday madaxada goobta fadhisay madaama Musaveni uu si cad u sheegay In soomaaliya aysan laheyn wadaniyiin arintaasi oo bahdilaad ku ah madaxda madasha joogtay oo qaarkood olalaha doorashada ku soo galay in ay muwadiniin yihiin sida Madaxweyne farmaajo oo inta badan isku muujiya nin wadani ah balse musaveni ayaa meesha ka saaray in uu jiro wadani soomaaliyeed .
Madaxweyne Musaveni ayaa ugu dambeyn ku baaqay in Al Shabaab lala galo dagaal xoog badan wax fursad ahna aan la siin , waxa uuna codsaday in si wadajir ah loola dagaalamo dagaalyahanada Al Shababa si Soomaaliya looga cirib tiro.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...