Madaxweyne Trump oo Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya ku tilmaamay nin xariif ah

La Wadaag Asxaabtaada

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un, nin aad xariif u ah.
Donald Trump oo la hadlayay Barmaamij ka baxa Telefishinka CBS ayaa sheegay in Kim Jong-un uu awooda qabsaday, isagoo aad u dhalinyar ah, uuna la macaamilay dad u aad u qalafsan.
“Isagoo dhallinyar ayuu awoodda qabtay. Dad badan ayaan hubaa inay isku dayeen inay awooddaas kala wareegaan, ha noqdo adeerkiis ama qof kale, waxaana u suurto gashay inuu awoodda haysto. Sida muuqata waa nin aad xariif u ah” ayuu yiri Trump.
Waxaa uu sheegay inuu ogsoon yahay in Kim Jong-un uu yahay nin maskax ahaan caafimaad qabo.
“Dadku waxay leeyihiin, miyuu fiyow yahay? Ma garanayo…laakin wuxuu ahaa nin dhallinyar oo jiray 26 ama 27 markii uu aabihii dhintay. Wuxuu la macaamilayaa dad sida muuqata aad u qallafsan, gaar ahaan jeneraallada”ayuu yiri Donald Trump.
Xiisada Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa todobaadyadii u dambeysay sii xoogeysatay, kaddib markii labada dal ay hawada isu mariyeen hanjabaado, waxaana Waqooyiga Kuuriya ay sii wadaa tijaabinta gantaalada nooca balastikada ah.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada