WARARKAMadaxweynihii 8'aad Ee Iiraan..Maxaa Laga Filayaa?

Madaxweynihii 8’aad Ee Iiraan..Maxaa Laga Filayaa?

-

Ibraahim ra’iisi ayaa loo doortay madaxweynaha Iiraan doorashooyinkii madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacay, waxaa kale oo barbar socday doorashooyinka deegaanka ee golaha Islaamiga.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Ibraahim Ra’iisi ayaa lagu tirayaa in uu ka mid yahay kooxaha mayalka adag ee taabacsan “kacaanka islaamiga Ee Iiraan” , waxaana xusid Mudan in awoodda Madaxweynaha Iiraan aysan aheyn “mid iska deysan”, waxaa jira madax iyo guddiyo ku shuql leh dajinta siyaasadaha iyo go’aanada qowmiga ah.

Siyaasadda Arimaha dibadda Ee Iiraan waa mid aan isbadalin mudadii afartankii sano ee ugu dambeysay sidaa darteed madaxweynaha lagama sugaayo isbadal dibadda ah

Hamigiisii Hogaamineed

Sanadkii 2017, Ra;iisi ayaa isku sharxay xilka madaxweynenimo, isaga oo tartan la galay Xasan Ruuxaani.

Sanadkii 2019, Hogaamiyaha ruuxiga ayaa Ra’iisi u mgacaabay gudoomiyaha garsoorka.

Sidoo kale Aqri: Yaa Guuleytay: Iiraan Mise Mareykanka?

Xilkaasi intii uu haayey Ra’iisi waxa uu sameystay sumcad , waxa uuna masuq maasuq kula xisaabtamay hogaamiyaal iyo madax caan ah.

Balan qaadkiisii Caanka Ahaa

Intii uu ka jiray olalahiisa doorashada, waxa uu ninkani booqday dhammaan 32-ka gobolka ee Iiraan ka koobantahay, waxa uuna sameeyey balan qaad dadka soo jiitay, isaga oo sheegay in uu horumarin doono gacansiyada gudaha xilli Iiraan ay la halgameyso cunaqabateynta Mareykanka.

Waxqabadyadiisii Hore

Ra’iisi intii uu haayey garsoorka, Iiraan waxa ay mamnuucday ablikeeshinka caanka ah ee “signal”, sidoo kale waxaa la mamnuucay ablikeeshinka wada sheekeysiga codka ah ee “clubhouse”.

Dhammaan ablikeeshinada baraha bulshada waa mamnuuc Iiraan gudaheeda marka laga reebo Whatsapp iyo Instgram.

Dhaqaalaha iyo Heshiiskii Nukliyeerka

Intii uu ku jiray ololaha Ibraahim Ra’iisi waxa uu sheegay in uu aad ula dagaalami doono sicir bararka, isaga oo sheegay in ugu yaraan uu abuuri doono hal milyan oo shaqo sanadkii.

dhanka kale wareegii lixaad ee wadahadalada u dhaxeeya Iiraan iyo dowladaha reer galbeedka ayaa lagu wadaa in uu ka qabsooma Vietnam, hadii wada hadalkaasi miro dhalo, Mareykanka ayaa cunaqabateynta ka qaadi doono , halkan Iiraan ay hoos u dhigi doonto barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Iiiraan ayaa dhawaan bacraminta Uranium-ta kor u qaaday 63%, waana sara kicii ugu sareeyey ee waligeed ay Iiraan sameyso.

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...