Magaalada Boosaaso oo 24-saac go’doon kujirta {Sababta}

La Wadaag Asxaabtaada

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso Xarunta Gobolka Bari ee Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in 24-kii Saac ee la soo dhaafay ay godoontahay Magaaladaas.

Waxaa istaagay guud ahaan isku socodkii dadka iyo gaadiidka ee soo galaya kana baxayay Magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Boqolaal gaari ayaa ku sugan tuulada la yiraahdo Ceeldaahir oo duleedka Magaalada Boosaaso kuwaasi oo ay u suurto geli la’dahay inay galaan Magaalada Boosaso.

Warar ayaa sheegaya in Godoonka Magaalada ayaa ka dambeyso kadib roobabkii saacadihii lasoo dhaafay da’ay Nawaaxiga Boosaaso oo biyo xoog leh oo ay ka keeneen buuralayda Golis ay buux dhaafiyeen togga Ceeldaahir.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada