Magaaladan Qur,aanka Ayaa lagu Sheegay…Waana Magaalo Fac Weyn Ku leh Taariikda Aduunka

La Wadaag Asxaabtaada

Halkani Lama degeenka Saxaraha “Rubuc Khaali” waxaa ku dhax aasan magaalada “Irama Thaati al cimaad”

«إرم ذات العماد»oo Ilaah ku xusay Quraanka, taasi oo sida qur,aanka ku xusan ah goob ama magaalo uusan Eebe abuurin mid iyada la mid ah.

Afar Dowladood

Afar waddan ayaa qayb ka wada leh  Saxarahan Waxeyna kala yihiin, Sacuudi Carabiya, Yemen, Oman iyo Imaaraadka Carabta, Sacuudi Carabiya,ayaa leh in ka badan 600,000 oo kilomitir oo isku wareeg ah.

“Rubuc Khaali”

Si ka duwan sida la aaminsanyahay,saxarahan  waxaa daganaa Qabaa,ilo tiro yar ilaa hadana waa sidaasi, sidoo kale goobtani waa mid ka mid ah goobaha ugu badan ee laga heli karo shidaalka aduunka -sida uu aaminsanyahay  Dr. Abdulaziz bin Abbon.

Magaaladan la la,yahay  waa magaalo ku duugan Dhulka Hoostiisa, waxaa sidaasi aaminsan Saynisyahanada.

Magaalada La Raadinaayo

Waxaa jiray baaritaano dhowr ah iktishaafaat  la sameeyey oo lagu soo helay magaalooyin ah dhowr ah oo ku dhaw Rubuc khaali , oo la rumeysnaa markii la helaayey in ay yihiin magaaladii la raadinaayey  «إرم ذات العماد”

Si kastaba ha noqotee, Rubuc khaali ayaa ka mid aheyn wadooyinkii ay mari jireen safareydii ganacsiga ee ka soo ambabixi jiray buuraha  Dhofar, iyagoo sii mari jiray magaalada Weyn ee «إرم ذات العماد” halkaasi oo ay kaga sii gudbi jireen Qeybaha kale ee jaziiradda Carabta.

 

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada