SAYNISMagaalo Guureyso Oo lagu arkay Jalalaqsi..ma Maqashay Magaalada Humaaga?...

Magaalo Guureyso Oo lagu arkay Jalalaqsi..ma Maqashay Magaalada Humaaga? “GhostTown”#Dunida Ashbaaxda

-

Arinkani ayaa dhowr jeer ku soo laalaabtay Dunida, Mana jiro faafaahino dheeri ah oo laga ogyahay.

dadkii qaarkiisa ayaa dhacdadan u yaqaan “Miraayad”  (Mirage) waxeyna aaminsanyihiin In magaalada hawada lagu arkayaa ay tahay “reflection”.

Waxaa jira Erey bixin kale oo ay caan ku yihiin magaalyinka noocan ah waa  “magaalada Humaaga” ama ashabaaxda “ghost City”

waxaa jiro muuqaalo iyo aflaan badan oo laga sameeyey dhacdadan waxaana ugu caansan filimka Ameerkikaan ah ee  Ghost Town (2008 film).

Sanadkii 2017  T.V maxali ah oo afka Shiinaha ku hadla ayaa baahiyey muuqaal, waxaana la sheegay in muuqaalka uu ahaa magaal dhisan oo lagu arkay daruuraha Korkooda.

Mid la mid ah dhacdadii Shiinaha,Deegaan dhanka Koofur kaga beegan magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo la yiraahdo Qoryaale oo 25 KM u jira  magaalada Jalalaqsi, ayaa lagu arkay arin ugub ku ah gayiga Soomaaliyeed taas oo ah magaalo dhan oo guureysa.

Amiin Cali Marakaan oo lahadlay Idaacada Kulmiye ayaa faafaahin ka bixiyay dhacdadaan ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay arkeen Muuqaal Xaafad u`eg oo hawada kor kooda ah marayay, muuqaalkaasi Xaafada ah wuxuu ka yimid Jihada Waqoyi  wuxuuna u soo dhaafay dhanka jihada Koofureed.

Halkan ka Dhageyso wareysiga Amiin Cali Marakaan

Qeybta hoose ka daawo muuqaalkii lagu arkay Shiinaha

 

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...